Ma u hambalyeeyaa Golaha Wasiirada Cusub???.

0
Wednesday October 21, 2020 - 07:29:16 in Wararka by
  • Visits: 1349
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma u hambalyeeyaa Golaha Wasiirada Cusub???.

    Waxaan fiiriyay Liiska Golaha Wasiirada cusub, Badnkoodu waa Dad aan aqaan. waxaa ku jira Saaxibadeey iyo Ardaydeeydii Jaamacadda qaarkood. Ma waxaan ugu hambalyeeyaa. a) in la magacaabay oo kaliya. b) mise Xilka loo magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan fiiriyay Liiska Golaha Wasiirada cusub, Badnkoodu waa Dad aan aqaan. waxaa ku jira Saaxibadeey iyo Ardaydeeydii Jaamacadda qaarkood. Ma waxaan ugu hambalyeeyaa. a) in la magacaabay oo kaliya. b) mise Xilka loo magacaabay.

a) In la magacaabay: sababta ma aqaan. Ma in isaga lagu qanciyaa?. Ma in Beeshiisa lagu qanciyaa?. Ma kan magacaabayaa dan ka leh?. Ma Xiliga haray Xoolaha Dadweeynaha Xadaa?. Ma shaqadaa u baahan isaga oo waxbuu ka bedeli karaa?.Ma Mudane wasiir in lagu yiraa oo kaliya ayuu ka rabtaa ?. Ma CV ayaad ka rabtaa, ogow CV-ga Xilalka aad soo qabatay qaarkood waa ey qiima tiraan.

 
b) xilka loo magacaabay: Ma yahay xil jiro?. Dalka oo dhan wasaaradiisu maka howl gali kartaa?. Xilka aad u dhaaranee ma hubaa in aad fulin karto?.
 
Hambalyo!!!. yaanan Hambayda idinka hagrane. Alla ha idiinkaga dhigo mid aadan Aduunka ku ceeboobina, Su’aalaha Aakhira la idinka weeydiin doonana Allaah hortiisa aadan ku cadaab mudanina.
 
FG: Saaxiibadeey iyo Ardaydeeyda, Su’aalo badan is weeydiiya inta aan Su’aalo badan lagu weeydiin Aduunka iyo Aakhiraba. Allaah wadada toosan hana wada tuso. Aamiin.
 
Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip