CR7 ayaa saacado yar ka hor intii aan la xaqiijin inuu ku dhacay Korona Fayras waxa uu casho la wadaagay xiddigaha ay ka wada tirsan yihiin xulka qaranka Portugal, kaddib barbarihii ay la geleen France.
Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka cabsi qaba inuu heli waayo xiddigihiisa laf dhabarta u ah Man United ee Bruno Fernandes, Paul Pogba iyo Anthony Martial.
Warbaahinta waddanka Ingiriiska ayaa warinaysa in Bruno Fernandes ay halistaan ah inuu galo karaantiil ay la wadaagayaan Paul Pogba iyo Anthony Martial oo laacibka reer Portugal xiriir taabasho la yeeshay kulankii Portugal iyo France ee Axaddii.
Afarta kulan ee ku soo wajahan Manchester United oo haddii ay dhacdo in saddexdaan laacib karaantiil la geliyo uusan heli doonin Solskjaer ayaa waxa ay kala yihiin Newcastle United, PSG oo ay Champions League isku haleeli doonaan ka hor inta aanay Chelsea foodda is gelin, taasoo ay u sii xigi doonto ciyaarta kale ee Champions League ah oo ay RB Leipzig isku qaban doonaan dabayaaqada bishaan.
Afarta kulan ee ay seegi karaan xiddigaha Manchester United ee Bruno, Pogba & Martial oo la shaaciyey
(Manchester) 14 Okt 2020. Waxaa la shaaciyey afar kulan ee ay seegi karaan xiddigaha Kooxda Manchester United ee Bruno Fernandes, Paul Pogba iyo Anthony Martial.Bruno Fernandes ayaa waxa uu halis ugu jiraa in lagu qasbo inuu galo karaantiil uu kag