Labo ka mid ah xiddigihii Korona Fayras uga maqnaa Kooxda Liverpool oo tababarka ku soo laabtay

0
Tuesday October 13, 2020 - 20:28:15 in Wararka by
  • Visits: 1510
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labo ka mid ah xiddigihii Korona Fayras uga maqnaa Kooxda Liverpool oo tababarka ku soo laabtay

    (Liverpool) 13 Okt 2020.Labada ciyaaryahan ee kooxda Liverpool, Thiago iyo Sadio Mane ayaa la soo warinayaa inay dib ugu soo laabteen tababarka kooxda kaddib markii ay ka soo kabsadeen xanuunkii Korona Fayras ee ay la maqnaayeen. Labadan xiddig ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Liverpool) 13 Okt 2020.Labada ciyaaryahan ee kooxda Liverpool, Thiago iyo Sadio Mane ayaa la soo warinayaa inay dib ugu soo laabteen tababarka kooxda kaddib markii ay ka soo kabsadeen xanuunkii Korona Fayras ee ay la maqnaayeen. Labadan xiddig ayaa intii lagu guda jiray ciyaaraha caalamiga ah waxaa laga helay KOFID 19, waxaana ay haatan ka soo bexeen karaantiilkii ay ku jireen. Thiago iyo Mane ayaana seegay kulankii kooxdooda uu hoggaamiyo tababare Jurgen Klopp ay xasuuq 7-2 kala kulantay Aston Villa. Haatan sida ay warinayso jariiradda The Mirror labada ciyaaryahan ee Liverpool ayaa laga waayey Korona Fayras markii tijaabo lagu sameeyey kaddib 10 maalmood oo ay karaantiil ku jireen, Thiago iyo Mane ayaana ku soo laabtay tababarka kooxaha xafidanaysa horyaalka Premier League Isniintii shalay. Warkan waxa uu farxad weyn u yahay taageerayaasha Liverpool iyo macallin Klopp, maadaama labadaan ciyaaryahan ay noqon doonaan kuwo la heli karo oo diayar ah kulanka Sabtida soo aaddan ee Merseyside derby, laakiin hoggaamiyaha Reds ayaan heli doonin Naby Keita, kaasoo laga helay cudurka Korona Fayras intii uu gudanayay waajibaadka heerka caalami ee xulkiisa Guinea. Thiago ayaa wali sugaya inuu sameeyo ku bilaabashadiisii ugu horreeysay ee Premier League isagoo xiran maaliyadda Liverpool, halka Mane uu ku faano inuu dhaliyey 84 gool 174 kulan uu u saftay Reds, iyadoo afar ka mid ah goolashaas uu ka dhaliyay Mane kooxda Everton.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip