Real Madrid oo heshiis la gaartay badelka madaalaha reer Brazil ee Casemiro

0
Tuesday October 13, 2020 - 20:01:04 in Wararka by
  • Visits: 954
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid oo heshiis la gaartay badelka madaalaha reer Brazil ee Casemiro

    (Madrid) 13 Okt 2020. Saraakiisha kooxda Real Madrid ayaa tallaabo dhab ah u qaaday saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe naadiga Rennais ee Eduardo Camavinga, kaasoo loo arko mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican kubadda cagta xilligan la joogo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Madrid) 13 Okt 2020. Saraakiisha kooxda Real Madrid ayaa tallaabo dhab ah u qaaday saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe naadiga Rennais ee Eduardo Camavinga, kaasoo loo arko mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican kubadda cagta xilligan la joogo.


Eduardo Camavinga oo 17 jir ah ayaa qandaraaska uu kula jiro kooxda Rennais wuxuu dhacayaa xagaaga 2022.

Sida laga soo xigtay wargeyska "Okdiario” ee dalka Spain Real Madrid ayaa heshiis afka ah la gashay Eduardo Camavinga, wuxuuna laacibka reer France saxiixi doonaa qandaraas muddo dheer oo Lix xili ciyaareed ah uu kula joogi doono Los Blancos, kaasoo kaga bilaaban doono xagaaga soo socda.

Real Madrid eye 'next-Kylian Mbappe' as Rennes striker Eduardo Camavinga, 16, linked with transfer

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in qandaraaska Camavinga ee Rennes uu dhacayo xagaaga 2022, sidaas darteedna Real Madrid ay awood u yeelan doonto inay kula saxiixato qiimo jaban xagaaga soo socda, gaar ahaan maadaama ay kooxda reer France ay ku qasbanaan doono inay iibiso.

Inkastoo Real Madrid ay ka mid tahay kooxaga ugu qanisan kubadda cagta adduunka , hadana Los Blancos ayaa isku dayi doonto inay ka gudbiso Camaving dalab gaaraya 60 million euros xagaaga soo socda, laakiin taasi waxay ku xiran tahay heerka uu kooxdiisa kaga soo bandhigi doono Champions League xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato Eduardo Camavinga si uu bedel ugu noqdo Casemiro, sidaas darteed kooxda Los Blancos, ayaa qorsheeneyso inay yeelato khadka dhexe ugu fiican.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip