Virgil Van Dijk Oo Boos Cusub Laga Ciyaarsiiyay & Sababta Oo La Ogaaday

0
Monday October 12, 2020 - 18:07:34 in Wararka by
  • Visits: 632
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Virgil Van Dijk Oo Boos Cusub Laga Ciyaarsiiyay & Sababta Oo La Ogaaday

    Tababaraha cusub ee xulka Qaranka Holland ayaa wali ku dhibaatoonaya in uu qaab ciyaareed fiican ka soo saaro xulka qarankiisa kadib bar-barihii 0/0 ahayd ee ay la galeen xulka Bosnia. Xulka Holland ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulmay xulka Mexico ba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha cusub ee xulka Qaranka Holland ayaa wali ku dhibaatoonaya in uu qaab ciyaareed fiican ka soo saaro xulka qarankiisa kadib bar-barihii 0/0 ahayd ee ay la galeen xulka Bosnia. Xulka Holland ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulmay xulka Mexico bartamihii todobaadkii hore kulan saaxiibtinimo ahaa. Kulankiisii ugu horeeyay ee UEFA Nations League-na xulka Holland ayaa bar-baro niyad jab leh. Tababare Frank de Boer Ayaa qaatay go'aan la yaab leh kadib markii uu Van Dijk weerarka ka ciyaarsiiyay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta. Daafaca Man City ee Nathan Ake ayaa badal lagu soo galiyay 4-tii daqiiqo ee ugu dambaysay iyada oo weerarka la geeyay daafaca liverpool. Frank de Boer ayaa doonayay in uu guul ku hogaamiyo xulkiisa taas oo sabab u noqotay in uu Van Dijk weerarka ka ciyaarsiiyo maadama uu kubadaha madaxa ah ku fiican yahay. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip