Daawo Sawirada: Saldhigii Ciidanka Kenya lagu laayay ee Degmada Ceelcadde oo raadadkii dagaalka ka muuqdaan

0
Tuesday March 15, 2016 - 08:51:30 in Wararka by
  • Visits: 783
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada: Saldhigii Ciidanka Kenya lagu laayay ee Degmada Ceelcadde oo raadadkii dagaalka ka muuqdaan

    Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo oo ah goob ciidanka Kenya si xun loogu laayay, kadib markii weerar abaabulan Shabaabka ay ku qaadeen Bishii January 15-keeda sanadkan 2016 ayaa Saldhigaasi waxaa ka muuqda weli raadadka dagaalkii iyo qaraxyadii lagu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo oo ah goob ciidanka Kenya si xun loogu laayay, kadib markii weerar abaabulan Shabaabka ay ku qaadeen Bishii January 15-keeda sanadkan 2016 ayaa Saldhigaasi waxaa ka muuqda weli raadadka dagaalkii iyo qaraxyadii lagu weeraray Ciidanka Kenya.

Ceelcadde waxaa ku sugan hada oo maamulaya Ururka Al Shabaab, markii ciidamada Kenya ay isaga baxeen halkaasi, waxaana Shabaab ay soo qaadeen sawiro muujinaya raadadka dagaalkii Ceelcadde ee ciidanka Kenya lagu laayay.

Waxaa ka muuqda Sawirada Gaadiidka Gaashaman ee ciidanka Kenya ay isticmaali jireen oo Shabaabka xilliga dagaalka ay gubeen.

Ilaa hada Dowladda Kenya ma aysan shaacin tirada rasmiga ah ee ciidamada Kenya looga laayay weerarkii Ceelcadde, iyadoo shacabka Kenya weli ay u dhag taagayaan Ogaanshaha inta uu la eeg yahay Khasaaraha ciidanka Kenya ka soo gaaray weerarkaasi.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay weerarka Ceelcadde in lagu dilay Askar gaaraysa 200 ilaa 180 Askari oo Kenyan ah, hadalkaasi oo Dowladda Kenya si adag ay u beenisay.

Saraakiil dhanka ammaanka qaabilsan ayaa sheegay dagaalkii Shabaabka ay ku qaadeen Xerada Ciidanka Amisom ee Ceelcadde in lagu laayay Askar badan.

Ceelcadde 1Ceelcadde 2Ceelcadde 3Ceelcadde 4Ceelcadde 5Ceelcadde 6Ceelcadde 7Ceelcadde 8Ceelcadde 9Ceelcadde 10Ceelcadde 11Ceelcadde 12Ceelcadde 13Ceelcadde 14Ceelcadde 15

XIGASHO:-DHACDO.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip