Maxkamad ku taallo Belgium-ka oo xukun 20 sano ku riday Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne)

0
Tuesday March 15, 2016 - 08:42:25 in Wararka by
  • Visits: 647
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad ku taallo Belgium-ka oo xukun 20 sano ku riday Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne)

    Maxkamad ku taallo dalka Belgium-ka ayaa la soo taagay Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) oo horay uga tirsanaan jiray Kooxaha Burcad badeeda Somalida, balse markii dambe ka baxay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad ku taallo dalka Belgium-ka ayaa la soo taagay Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) oo horay uga tirsanaan jiray Kooxaha Burcad badeeda Somalida, balse markii dambe ka baxay.

Belgium-ka, ayaa Maxamed Cabdi Afweyne iyo Madaxweynihii hore ee Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed C/laahi Aadan (Tiicey) waxa ay ku xireen dalkaasi, kadib markii looga yeeray dalkaasi loona sheegay inay ka qaybgalayaan Filin ka hadlaya Burcad badeeda Somalida, balse taasi ay dabin u noqotay xarigooda.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda riday Xukunka oo ku taalla Magaalada Bruges, ee waqooyiga dalka Belgium ayaa sheegay in Maxamed Xasan Afweyne uu Mas’uul ka ahaa Afduubka Markabka Pompei oo isaga iyo Shaqaalihii la socda mudo 70 Maalmood lagu haystay Xeebta Somaliya.

Dowladda Belgium-ka, ayaa waxa ay bixisay lacag dhan Labo Milyan oo doolar si loo sii daayo Markabka iyo Shaqaalaha saaran oo xilligaasi Kooxaha Burcad badeeda Somalida ay ku haysteen Xeebaha dalka Somaliya.

Maxkamadda xukunka ku riday Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) ayaa sheegtay in Afweyne uu haysto qaadashada racfaan, haddii uu bixiyo lacag dhan 22,000 oo Doolaar oo la siinayo Kabtanka Markabkii uu afduubay iyo Qoyskiisa oo la sheegay in Jirdil lagula kacay intii uu ku jiray Gacanta Burcad Badeeda.

Maxamed Cabdi Afweyne oo 58-sano jir ah ayaa muddo saddex sano ah ku xirnaa dalka Belgium-ka, wuxuuna ahaa xukun suge, balse shalay ayeey maxkamada go’aan rasmi ah ka gaartay kiiskiisa.

Afweyne oo Burcad badeeda Somalida ka tirsanaan jiray ayaa Dhaqaalo badan ka sameeyay Afduubkii uu kula kici jiray Maraakiibta Shisheeye ee isticmaala Xeebaha dalka Somaliya, balse markii dambe ayuu ku dhawaaqay inuu ka baxay Burcad badeeda Somalida.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip