Wararkii ugu dambeeyay deegaanka Garacad iyo Puntland oo heegan gelisay ciidankeeda

0
Tuesday March 15, 2016 - 08:30:16 in Wararka by
  • Visits: 647
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay deegaanka Garacad iyo Puntland oo heegan gelisay ciidankeeda

    Iyadoo xalay fiidkii warar soo baxayay ay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo doomo watay ay qabsadeen deegaanka Garacad ee bariga Gobolka Mudug ayaa dagaalayahanadan la sheegay inay u gudbeen deegaano kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo xalay fiidkii warar soo baxayay ay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo doomo watay ay qabsadeen deegaanka Garacad ee bariga Gobolka Mudug ayaa dagaalayahanadan la sheegay inay u gudbeen deegaano kale.

 Xaalada deegaanka Garacad ayaa wali kala cadeyn, maadaama ay ka go’an tahay Isgaarsiinta, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen ka hor inta aan isgaarsiinta la jarin inay arkeen xalay maqribkii dagaalyahano hubeysan oo wajiga u dubnaa, kuwaasoo aad u hubeysnaa.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in saraakiil hogaamineysay dagaalyahanadii qabsaday Garacad ay la haldeen, isla markaana u sheegeen in aanay wax dhibaato ah u geysan doonaan, hadafkoodana uu yahay inay uga sii gudbaan deegaano kale.

Guddoomiyaha deegaanka Garacad ayaa u sheegay Idaacada VOA in dagaalyahanada ku yimid doomaha dheereeya ay ahaayeen Al-Shabaab, ayna wehliyaan dagaalyahano ajaaniib ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalyahanadan ay u gudbeen deegaanka Kulub oo u dhaxeeya Eyl iyo Garacad, waxaana dadka deegaanada ay ka cabsi qabaan dagaalo ka dhaca deegaanada ay soo galeen dagaalyahanadan hubeysan.

Saraakiisha Amniga Puntland ayaa xalay kulan deg deg ah yeeshay, waxaana ay soo saareen in heegan la geliyo ciidamada Puntland ee ku sugan magaalooyinka iyo deegaanada.

Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Puntland ayaa gaaray deegaano ku dhow dhow Garacad, waxaana ciidamadan ay guluf ugu jiraan sidii ay uga hortagi lahaayeen dagaalyahanada ka tirsan Al-Shabaab ee soo gaaray deegaanada Puntland.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan inay la wareegeen deegaanka Garacad, hase ahaatee waxaa la sheegayaa in dagaalyahanada gaaray deegaankaas uu qorshahooda yahay inay u gudbaan Buuraha Galgala, halkaasoo ay ku sugan yihiin dagaalyahano taabacsan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip