Qaar ka mid ah magaalooyinka Sacudi Carabiya oo laga waayay sigaarka

0
Monday March 14, 2016 - 20:17:39 in Wararka by
  • Visits: 660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar ka mid ah magaalooyinka Sacudi Carabiya oo laga waayay sigaarka

    Qaar kamid ah goobaha ganacsiga magaalooyin ku yaal Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa laga waayay sigaarka, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in dowlada ay qorsheynayso in ay kordhiso sicirka lagu iibsado sigaarkaiyo badeecooyinka kale ee caafimaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar kamid ah goobaha ganacsiga magaalooyin ku yaal Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa laga waayay sigaarka, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in dowlada ay qorsheynayso in ay kordhiso sicirka lagu iibsado sigaarkaiyo badeecooyinka kale ee caafimaadka u daran.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa qortay in labadii maalmood ee la soo dhaafay dukaamada magaalada Jeddah aysan iibineyn wax sigaar ah halka magaalada Dammam qiimaha sigaar ka uu sare u kacay. Baakadkii sigaar ah oo ah nooca ay farsameyso shirkadda Philip Morris-branded ayaa la iibinayay 15 riyals oo u dhigma ($4) halka hore loogu iibin jirey lacag gaareys 10 riyals.

Wasiirka Maaliyada Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa sheegay in sanadka 2016 la kordhin doono qiimaha badeecadaha sida sigaarka,cabitaanada iyo wixii la mid ah.hase yeeshee wasiirka ma sheegin xilliga la kordhinayo qiimaha badeecadahaas.

Shabakada warbaahinta ee Sabq.org ayaa laga soo xigtey in mas’uuliyiinta xukuumada ee dhinaca canshuuraha ay sheegeen in qiimaha tubaakada ay labanlaabmeen, balse ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo lagu soo daabacay shabakadaha ay dowladu maamusho




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip