Gabar bare ah oo Falastiini ah oo ku guuleysatay abaalmarinta macalimka caalamka

0
Monday March 14, 2016 - 16:58:23 in Wararka by
  • Visits: 677
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabar bare ah oo Falastiini ah oo ku guuleysatay abaalmarinta macalimka caalamka

    Hanan Al Hroub, ayaa ku barbaartay xero qaxooti iyadoo u ololeyn jirtay waxbarashada carruurta kuwaas oo dhibaato ka soo gaartay rabshadaha hubeysan oo ka jira deegaanka ay ku noolaayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hanan Al Hroub, ayaa ku barbaartay xero qaxooti iyadoo u ololeyn jirtay waxbarashada carruurta kuwaas oo dhibaato ka soo gaartay rabshadaha hubeysan oo ka jira deegaanka ay ku noolaayeen.

” Aniga waxaan ku faanayaa in aan ahay gabar bare ah oo Falastiini ah soona istaagta masraxan. Zaaisada waan ogolaaday anigoo ka wakiil ah dhamaan bariyaasha caalamka gaar ahaan kuwa Falastiiniyiinta ah ,” Al Hroub said. ” Anaga ka bare ahaan waxaan dhisnaa qiimaha iyo qiyamka maskaxda kuwa yaryar si loo hubiyo xaqa ay aduunka ku leeyihiin, si loo helo duni qurux badan oo xor ah.

” Mustaqbalka waxaa uu u muuqdaa mid fog hase yeeshee waxaa jira himilooyin si kastaba marka aad howshan oo kale isku daydid in aad sameyso aduunka ayaa ku caawinaayo.”

Gabar Falastiini ah oo lagu magacaabo Hanan Al Hroub, oo bare ka ah dugisga Samiha Khalil oo ku yaala deegaanka Al-Bireh kuna dhow magaalada Bethlehem ee dhulka reer Falastiin ayaa ku guulesatay $1m (£710,000) oo ah abaalmarinta caalamiga ah ee Macalimka sanadkan 2016 kadib xaflad lagu qabtay magaalada Dubai.

Al Hroub, ayaa waxaa abaalmarintan u gartay hey’adda Varkey Foundation oo waxbarashada dhiirigelisa iyadoo dadkii u hambalyeeyay ay kamid ahaayeen madaxa kaniistada Pope Francis,Prince William iyo mas’uuliyiin kale.

Xaflada ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka UK Tony Blair iyo madaxweyne ku xigeenka dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum

Dadkii la tartamay ayaa waxaa kamid ahaa;

  • Aqeela Asifi, oo bare ka ah dugsiga Kot Chandana oo ku yaala xero qaxooti ee gobolka Punjab ee dalka
  • Ayub Mohamud, oo wax ka dhiga Iskuul ganacsiga lagu barto oo ku yaala xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi dalka Kenya.
  • Colin Hegarty, oo bare ka ah dugsiga Preston Manor, oo ku yaala magaalada London ee dalka UK
  • Joe Fatheree oo ka tirsan Iskuulka sare ee Effingham oo ku yaala xaafadda Effingham ee magaalada Illinois dalka Mareykanka.
  • Kazuya Takahashi, oo bare ka ah Jaamacadda Kogakuin University ee magaalada Tokyo ee dalka
  • Maarit Rossi, oo maadada Xissabta k aka dhigta dugsiga Kartanonranta ee dalka
  • Michael Soskil oo kamid ah bariyaasha Iskuulka hoose ee Wallenpaupack oo ku yaala xaafada Newfoundland ee magaalada Pennsylvania ee dalka Mareykanka.
  • Richard Johnson, oo ah bare maadada Seyniska ee dugsiga hoose ee magaalada Perth ee dalka Australia.
  • Robin Chaurasiya, oo ka tirsan Iskuulka ee Kranti ee magaalada Mumbai ee dalka India.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip