Haween Qamri waday oo lagu qabtay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo

0
Monday March 14, 2016 - 16:55:17 in Wararka by
  • Visits: 756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haween Qamri waday oo lagu qabtay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo

    Wararka ka imaanaya Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federalka Somaliya ay gacanta ku dhigeen haween waday Qamri sida la sheegay laga keenay dalka Ethiopia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federalka Somaliya ay gacanta ku dhigeen haween waday Qamri sida la sheegay laga keenay dalka Ethiopia.

Saraakiisha ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ee Degmada Luuq ayaa tilmaamay in Haweenka siday Qamrigaan ay ku qabteen gudaha Luuq, kadib markii ay heleen macluumaadka arintaasi ku saabsan.

Cabdi Gureey oo ka mid ah Saraakiisha ammaanka Degmada Luuq, ayaa Warbaahinta u sheegay Lix Kartoon oo Qamri ah iyo Labo habeen ah oo waday inay qabteen.

Wuxuu sheegay Qamriga in laga keenay dalka Ethiopia Degmada Luuqna loo keenay qaab ganacsi ah oo ay doonayeen haweenkaasi inay ka ganacsadaan.

Haweenka Qamrigaan lagu qabtay ayaa waxa ay yihiin labo Haween dhalinyaro ah, kuwaasi oo da’dooda lagu kala sheegay 20-jir iyo 18 jir.

Sarkaalkaan ayaa tilmaamay inay gubeen Kartoomada Qamriga, islamarkaana Maxkamad ay soo taagi doonaan maalmaha soo socda Haweenka Qamrigaasi lagu qabtay.

Waa markii ugu horeysay oo Degmada Luuq lagu qabto Haween sida la sheegay ka ganacsanaayay Qamriga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip