Koofur galbeed oo UK ugu mahadcelisay taageerada Soomaaliya

0
Monday March 14, 2016 - 16:54:10 in Wararka by
  • Visits: 503
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koofur galbeed oo UK ugu mahadcelisay taageerada Soomaaliya

    Munaasibaddan oo loogu mahadcelinayay dowladda UK oo lagu qabtay magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qeybgalay sii hayaha xilka madaxweynaha dowlad goboleedka koofur galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed, saraakiil ka tirsan ciidanka qalabka Soomaaliy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibaddan oo loogu mahadcelinayay dowladda UK oo lagu qabtay magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qeybgalay sii hayaha xilka madaxweynaha dowlad goboleedka koofur galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed, saraakiil ka tirsan ciidanka qalabka Soomaaliya,mas'uul ka tirsan dowladda Britain iyo mas'uuliyiin kale.

U jeedada munaasibadan ayaa lagu sheegay in dowladda UK loogu mahadceliyo taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya gaar ahaan ciidanka qalabka sida ee dalka.

Sarkaal ka tirsan dowladda Britain oo munaasibadda ka hadlay ayaa sheegay in dowladiisu ah had iyo jeer ku howlan tahay sidii taageero u siin laheyd ciidanka qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, isagoo tilmaamay in UK ay ka go’an tahay in ay sii wado garab istaaga Soomaaliya.

Taliyaha qeybta 60 aad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliya janaraal,Bile Aadan Ibraahim iyo taliyaha booliiska Ibraahim Macalim Kutub, ayaa si wadajir ah ugu mahadceliyay dowlada Ingiriiska maadaama ay qeyb ka qaadato tayaynta ciidanka qalabka sida Soomaaliya.

Sii-hayaha xilka madaxweynaha maamulka koofur galbeed Soomaaliya ahna wasiirka dhaqancelinta iyo hub-kadhigista maleeshiyaad mudane Xasan Xuseen Maxamed, ayaa ciidanka qalabka sida ku booriyay in ay ka soo dhalaalaan kharashka faraha badan ee dowladda UK ay siiso ciidanka, isagoo dhankiisa mahad naq balaaran u jeediyay dowladda Ingiriiska.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip