Zambia oo Kenya ku wareejisay Rag la sheegay inay ka dambeeyeen Weerar ka dhacay Mandera.

0
Monday March 14, 2016 - 15:15:05 in Wararka by
  • Visits: 503
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Zambia oo Kenya ku wareejisay Rag la sheegay inay ka dambeeyeen Weerar ka dhacay Mandera.

    Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa lagu qoray in Dowladda Zambia ku soo wareejiyeen Dowladda Kenya Rag ka kooban 4 Soomaali Kenyan lala xiriirinayo weerar bishii November 22-dii ee sannadkii 2014-kii lagu qaaday Bas marayey du

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa lagu qoray in Dowladda Zambia ku soo wareejiyeen Dowladda Kenya Rag ka kooban 4 Soomaali Kenyan lala xiriirinayo weerar bishii November 22-dii ee sannadkii 2014-kii lagu qaaday Bas marayey duleedka magaalladda Mandera ee W/bari Kenya.
Baskaasi xiligaasi la weeraray waxaa ku geeriyootay 28 qof oo rakaab ah, iyadoo ay Al-Shabaab horey u sheegatay mas’uuliyadda Weerarkaasi.

Diyaarad Milliteri ay leeyihiin Ciiddanka Cirka ee Zambia ayaa la sheegay inay raggaasi ka soo qaadeen caasimadda dalkaasi ee Lusaka, iyadoo lagu wareejiyey Ciiddanka Boliska Kenya ugu qaabilsan La-dagaalanka Kooxaha Argagixisadda (ATPU).
Eedeysanayaashaasi oo habeenkii Sabtida ee la soo dhaafay la keenay magaalladda Nairobi waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Ibrahim Adan Hassan, Abdullahi Maalim Bishaar, Adenkar Diin Dhaayow iyo Ahmed Kitti C/xakiim.


Boliska Zambia waxay baadi-goobayaan Eededeysane kale oo lagu magacaabo Ahmed Aweys, kadib, markii ay Boliska Kenya soo bandhigeen sawiradda Eedeysanayaasha la baadi-goobayo.
Taliyaha Boliska Kenya, Joseph Boinnet wuxuu bishii hore sheegay in abaalmarin lacageed la dul-dhigay 4 Eedeysane oo uu sheegay inay ka dambeeyeen weeraro ka dhacay Mandhera.

Dhanka kale magacyadda Eedeysanayaasha la raaadinayo ku kala sheegay C/llaahi Diyaat, Idiris Isaaq, Axmed Aweys iyo Maxamed Shide, kuwaasi oo uu xusay inay rumeysan yihiin inay weli ka hawlgalaan Mandera iyo Wajeer.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip