Kulan Kudhexmaray Booliska Iyo Dhallinyaro Soomaali ah Xaafada Eastleigh

0
Monday March 14, 2016 - 15:12:40 in Wararka by
  • Visits: 581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Kudhexmaray Booliska Iyo Dhallinyaro Soomaali ah Xaafada Eastleigh

    Shalay ayaa xaafada Eastleigh ee magaalada Nairobi uu kulan ku dhexmaray booliska iyo dhallinyaro Soomaali ah. Kulanka ayaa waxaa uu ku saabsanaa sidii isfaham loogu soo dabbaali lahaa labada dhinac iyo weliba bulshada xaafada ku nool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shalay ayaa xaafada Eastleigh ee magaalada Nairobi uu kulan ku dhexmaray booliska iyo dhallinyaro Soomaali ah. Kulanka ayaa waxaa uu ku saabsanaa sidii isfaham loogu soo dabbaali lahaa labada dhinac iyo weliba bulshada xaafada ku nool.
Dhallinyarada Soomaaliyeed in badan oo ka mid ah ayaa marar badan dhibaatooyin ka geystay xaafada Eastleigh ee Soomaalidu u badan tahay ee Nairobi Kenya sida dadka oo taleefanada gacanta ay ka qaataan, waxyaabo kale oo ay ka dhacaan, dhaawac ay dadka rayidka u geystaan iyo weliba xataa dil. Dhallinyaradaa ayaa inta badan ku hubeysan midiyo.

Mararka qaarkood ayaa dhallinyaradaa lasheegaa in xataa ayaga dhexdooda ay is dagaalaan oo dhibaatooyin ay isu geystaan. Si kastaba, booliska ayaa in badan ugaarsada dhallinyaradaa Soomaaliyeed balse dadka iyo masuuliyiinta ayaa marmar ku eedeeya boolisku inuu xiriir la leeyahay waxoogaa dhallinyaradaa oo si habboon uusan boolisku doonayn in arintaa dhibaatadeeda wax looga qabto.

Wakiilka golaha deegaanka waqooyiga Eastleigh ama Eastleigh North Mr. Cismaan Cadow Ibrahim

Shalay kulankii dhacay ayaa hase ahaatee waxaa lagu lafa guray waxyaabaha sababa in dhallintaasi u dhaqmaan sida ay u dhaqmaan waxaana lagu soo daray sababahaas in in badan oo ka mid ah aysan haysan cido taageera ama qaraabo, waxba aysan baran shaqooyina aysan haysan.

Sanad ka hor warbaahintu waxay tebisay in wakiilka golaha deegaanka waqooyiga Eastleigh ama Eastleigh North Mr. Cismaan Cadow Ibrahim uu farta ku goday in marka dhallinyaradaa la xiro askarta booliska ah ee saldhiga Pangani ay qaataan lacago kadibna ay dhallinyaradaa sii daayaan. Waxaa sidoo kale in badan lagu eedeeyay in Soomaalidu ay lacago kusoo furtaan dhallinyaradaa markii la damco in la tacziiro.

Dhanka kale, Cismaan Cadoow oo wareysi gaar ah siiyay Hiiraan Online (HOL) ayaa ka waramay mootooyin dhawaanahaan ku soo badanaayay Eastleigh oo hab ganacsi uga dhex shaqeeya xaafada balse dhibaatooyin kala duwan ay kala kulmaan dadka deegaanka madaama xawaare dheer lagu kaxeeyo.

Wuxuu sidoo kale ka waramay nadaafad xumida ka jirta Eastleigh ayadoo qashin lagu dhex daadiyo goobaha ay dadku ku ganacsadaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip