Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo rajo kamuujiyay shirka maamul sameynta labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe

0
Monday March 14, 2016 - 14:59:58 in Wararka by
  • Visits: 522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo rajo kamuujiyay shirka maamul sameynta labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe

    Guddomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar 'Dabaged' oo ka hadlay arrimaha dhismaha Maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabelaha dhexe isagoo rajo kamuujiyay in dib loo bilaabo shirka dhismaha maamulka labada gobol.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar 'Dabaged' oo ka hadlay arrimaha dhismaha Maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabelaha dhexe isagoo rajo kamuujiyay in dib loo bilaabo shirka dhismaha maamulka labada gobol.

Yuusuf Axmed Hagar Gudoomiayaha Gobolka Hiiraan oo wareysi siiyay idaacada VOA laanteda afka soomaaliga ayaa sheegay in dadka dega labada gobol ay diyaar u yihiin dhismaha maamulka cusub.

"Rajada aan hadda ka qabo dhismaha maamulka Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe waa mid wanaagsan maxaa yeelay waxa jira da’daalo aan ku xalineyno dadka ka soo jeeda inkastoo wax kasta oo la bilaabayo ay wataan culeys’’ayuu yiri guddoomiye Yuusuf Axmed Hagar.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabaged waxa uu sheegay in dadka dega labada gobol ay yihiin kuwa u diyaar ah dhismaha maamulka loo sameynayo labada gobol maamulkan uu noqon doono mid ka dhisma fudud maamuladii horay loo dhisay.

Hase yeeshee dhowaan ayuu sheegay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan in labada maamul ee Sh/dhexe iyo Hiiraan uu madaxweyne Xasan Shiikh u xil saaray in ay hormuud ka noqdaan dhismaha maamul u sameynta labada gobol.

Balse, waxaa muuqanaysa haatan in wasaarada arrimaha gudaha ay bilowday dadaalo ay ku dooneyso in lagu xalliyo sababihii hakadka geliyay shirka oo uu si rasmi ah u furay horaantii bishii Janaayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa waxa uu imaanaya shalay magaalada Baledweyne uu soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya C/maan Maxamed Xuseen iyo wafdi uu hogaaminay




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip