Madaxweynaha iyo Wakiilka Midowga Afrika oo ka wadahadley fulinta baaqii Djibouti ee xoojinta AMISOM iyo ciidanka Soomaaliya

0
Monday March 14, 2016 - 14:57:32 in Wararka by
  • Visits: 516
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha iyo Wakiilka Midowga Afrika oo ka wadahadley fulinta baaqii Djibouti ee xoojinta AMISOM iyo ciidanka Soomaaliya

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Jose Madeira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Jose Madeira.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlayey fulinta baaqii ka soo baxay shirkii dhowaan ay dalka Jamhuuriyadda Djibouti ku yeesheen madaxda waddamada ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya.

Waxyaabihi shirkii Djibouti ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ahaa xoojinta iskaashiga, qalabeynta, isku-dubbaridka iyo tayeynta hawlgallada ciidammada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wakiilka ayaa isku afgartey sameynta guddi si degdeg ah u hawlgeli doona oo qiimeyn iyo fulin ku sameyn doona waxyaabaha aasaasiga u ah ka guul gaarista hawlgallada AMISOM iyo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa kulankan sidoo kale looga hadley sidii degaannada cadowga looga xorreeyo loogu fidin lahaa adeegyada muhiimka ee ay u baahan yihiin.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa La Taliyaha Madaxweynaha Arrimaha Difaaca iyo Amniga, S/Guuto Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, La Taliyaha Madaxweynaha Arrimaha Siyaasadda, Dr Awees Xaaji Yuusuf , qaar ka mid ah taliyeyaasha ciidammada Soomaaliya, AMISOM, iyo mas’uuliyiin kale.

--------------DHAMMAAD--------


ce3436f1-4af9-4f35-bfc0-5cc711bb2ae7
16aee6ad-8e03-4a01-9c2c-2607f210fad2
aeb05c5e-6417-4c8b-889e-8bc7faba0f4e
321ac889-9809-4669-8482-201a332a1791
18a45a44-8f72-46c0-b10f-c12c2d006730
b3a4dd7b-9913-4354-b5ab-24b27ce69dad

 
1px


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip