Jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Virginia oo soo dhaweyn u sameeyay gudoomiyaha Jaamacada SIMAD

0
Monday March 14, 2016 - 14:10:25 in Wararka by
  • Visits: 675
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Virginia oo soo dhaweyn u sameeyay gudoomiyaha Jaamacada SIMAD

    Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha jaamacada SIMAD ee magaalada Muqdisho Md. Dahir Xasan Cabdi (Dahir Carab) oo maalmahanba ku sugnaa gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa xalay la kulmay qaar ka mid ah jaaliyada Soomalaiyeed ee ku nool gobolada Vi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha jaamacada SIMAD ee magaalada Muqdisho Md. Dahir Xasan Cabdi (Dahir Carab) oo maalmahanba ku sugnaa gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa xalay la kulmay qaar ka mid ah jaaliyada Soomalaiyeed ee ku nool gobolada Virginia,Washindgton DC iyo Maryland.

Munaasabad ay ugu tala galeyn jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Virginia Gudoomiyaha iyo wafdigiisa oo xalay ka dhacday degmada Anandale ee gobolkaasi ayaa waxaa hadalo kasoo jeediyey macalimiin horay wax uga soo dhigay jaamacadii Umada iyo sidoo kale Dr. Cabdicaziiz Sheikh Mohamud (Maalin-guur) oo ka mid ah xubnaha wafdiga ee ka yimid magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Jaamacada SIMAD Dr. Dahir Carab oo hadal ka jeediyey munaasabada ayaa ka warbixiyey xaaladaha ay soo martay SIMAD oo uu sheegay in markeedi hore lagu bilaabay hab machad ahaan ah, kadibna loo badalay jaamacad, muddo laga joogo shan sanadood.

Wuxuu sheegay in jaamacada ay ka koobantahay sagaal kulliyadood oo kala duwan kuwaas oo ay dhigtaan ku dhawaad 4 kun oo arday Soomaaliyeed ah. Wuxuu intaasi raaciyey in jaamacada ay dhaqaalo kubixiso tataynta shaqaalaha jaamacadda kuwaas oo waxbarasho heerka sare ah loogu diro dalka dibadiisa si ay ula soo laabtaan aqoon iyo ilbaxnimo ka duwan tan dalka taala isla markaana ay ka qaybqaataan horumarka dalka iyo kan jaamacaddaba.

Jaamacada SIMAD oo ka mid ah jaamacadaha ugu wanaagsan dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, ayaa xiriir la leh jaamacado badan oo dibadda ah, waxaana hada socda qorshe lagu wanaajinayo xiririka jaamacada iyo qaar ka mid ah jaamacadaha dalka Mareykanka.

Jaamacada SÄ°MAD ayaa waxa ay leedahay kulliyadaha kala ah, Maamulka, Cilmiga Kambuyuuterka, Sharciga, Waxbarashada, Caafimaadka, Injineeriyada, culuumta bulshada iyo kulliyada dhaqaalaha.

 

DSC07335

arab (9)arab (8)arab (7)arab (6)arab (5)arab (4)arab (3)arab (2)arab (1)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip