Qarax xoogan oo ka dhacay Caasimada Turkiga ee Ankara(Sawiro)

0
Monday March 14, 2016 - 14:07:28 in Wararka by
  • Visits: 534
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax xoogan oo ka dhacay Caasimada Turkiga ee Ankara(Sawiro)

    Qarax xoogan ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay Caasimada Turkiga ee Ankara, iyadoo qaraxa uu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay. Warbaahinta gudaha Turkiga ayaa ku waramaya in qaraxa uu ka dhacay xarunta basaska, waxaana ay ku dhow

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax xoogan ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay Caasimada Turkiga ee Ankara, iyadoo qaraxa uu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay. Warbaahinta gudaha Turkiga ayaa ku waramaya in qaraxa uu ka dhacay xarunta basaska, waxaana ay ku dhow dahay xarumo wasaaradeed.

Wararka ugu dambeeya ee ka imanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in 27 ruux ay ku dhinteen halka 75 kalana ay ku dhaawacmeen.Qaraxa ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Guvenpartk oo ku taal degmada Kizilay oo ah goob muhiim ah oo gaadiidka laga raaco.

Bishii aynu ka soo gudubnay ayaa bam lagu weeraray gaadiid kolonyo ah oo ay ciidamo Milatari ah saarnaayeen ayaa waxaa ku dhintey 28 ruux halka tobaneeyo kalana ay ku dhaawacmeen.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxan, hase ahaatee saraakiil dhinaca amniga qaabilsan ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in baaritaano hordhac ay muujinayaan in qaraxan uu ahaa mid ay ka dambeeyeen ururka mucaaradka ah ee Kurdistan Workers’ Party (PKK) amaba koox ka farcantay.

Ra’iisul Wasaare Ahmet Davutoglu ayaa la sheegay in uu qabtay kulan deg-deg ah oo amniga loogaga hadlayo. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo ku sugnaa Istanbul xilliga uu qaraxa dhacay ayaa la filayaa in u usi deg-deg ah ugu soo laabto magaalada Ankara.

qarax turkey (3)

qarax turkey (6)

qarax turkey (7)

qarax turkey (8)

qarax turkey (9)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip