WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 14-KA MAARSO 2016-KA

0
Monday March 14, 2016 - 13:50:11 in Wararka by
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 14-KA MAARSO 2016-KA

    CARUUR HARAAD UGU GEERIYOOTAY GOBOLKA HIIRAAN Iyadoo Abaaro Xoogan ay ka jiraan qaar kamid ah Gobolada Dalka Soomaaliyeed ayaa Abaar ka jirta Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya waxaa ay Sababtay in ay Dadku u dhintaan Gaajo iyo haraad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

CARUUR HARAAD UGU GEERIYOOTAY GOBOLKA HIIRAAN Iyadoo Abaaro Xoogan ay ka jiraan qaar kamid ah Gobolada Dalka Soomaaliyeed ayaa Abaar ka jirta Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya waxaa ay Sababtay in ay Dadku u dhintaan Gaajo iyo haraad.

Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen ayaa sheegay in Degaano Hoosyimaa da Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ay ka jirto Abaar aad u daran,waxaana Abaartaasi ku dhi ntay caruur aad u da’yar.

Guddoomiyaha ayaa Dowladda Soomaaliya iyo Hay’addaha Samafalka intaba ka Codsaday in Biyo iyo Cuno intaba lala gaaro Dadka halkaa ku tabaaleysan.

Abaaraha ka jira Soomaaliya ayaa la sheegay in Meelaha ugu daran ay yihiin Degaanada Soomaaliland iyo Puntland,waxaana Abaaraha ay yimaadeen kadib markii Xili roobaadkii hore uusan Degaanadaasi sidii la rabay uga da’in.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

CIIDAMO KENYAAN AH OO LA GEEYAY JAZIIRADA LAAMU EE DALKA KENYA

Dadka Deegaanka jaziirada laamu ee Dalka Kenya ayaa sheegay in ay arkeen Ciidamo fara badan oo dalkaasi u dhashay kuwaa oo Howlgalo ka wada jaziiraddaasi.

Dadka ayaa warbaahinta Kenya u sheegay in ciidamadaani ay u sheegeen in ay adkeyn ayaan xaaladda Amaanka ee dalkaasi gaar ahaan jaziiradda laamu oo ay sheegeen in ay ka baqd in qabaan in AlShabaab weeraro ka fuliyaan.

Ciidamadaani la geeyey jaziiradda laamu ee Dalka Kenya ayaa la sheegayaa in ay yihiin mil itariga dalkaasi iyagoona aad u hubeysan misane wata gawaaridda dagaalka sida dabaabaadka dagaalka.

Ciidamada Kenya ayaa wada Howlgalo ay ku sheegeen in ay ku baadi goobayaan dagaal yahano Katirsan AlShabaab kuwaa oo ay sheegeen in ay kasoo talaabaan Deegaanada u dhaxe eya ama u dhaw dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Dowlada kenya ayaa dhawaan sheegtay in jaziiradda laamu ay kamid tahay goobo marar badan Xarakada AlShabaab ay weeraro ka geysteen hase yeeshee wixii xiligaani ka dambeeya aysan u dul qaadan doonin weeraro kale oo ka dhacay jaziiraddaas

GUDDIGA ARRIMAHA DIBADDA EE BARLAMAANKA SOOMAALIYA OO HAMBALYO U DIRAY XOGHAYAHA GUUD EE JAAMACADDA CARABTA

Guddiga arrimaha dibadda ee barlamaanka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Xoghayaha Cusub ee Jamacadda Carabta Ahmed Abuu Gheit Wasiirkii hore arrimaha dibadda ee dowladda Masar.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa Guddoomiye kuxigeenka guddiga arrimaha dibadda ee Barlamanaka Soomaaliya ayaa sheegay in uu yahay nin aqoon wanagsan u leh Soomaaliya, isla markaana jecel horumarka iyo nabad gelyadda guud ahaan dalka Soomaaliya.

"Nin Jaamacadda carabta wax badan ka soo shaqeeyay waaye, isla markaana Soomaaliya wax badan ka og xaaladeeda, runtii waan ugu hambalyayneynaa xilka loo magacaabay ee ah xo ghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, waxaana uu xilal kala duwan ka soo qabtay Masar oo ay ka mid tahay Wasiirka Arrimaha dibadda” ayuu yiri Prof Dalxa.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa tilmaamay in Jaamacadda Carabta ay markasta ka go’antahay sidii Soomaaliya looga caawin lahaa nabad ku soo dabaalidda guud ahaan dalka

Ahmed Abuu Gheit oo dhawaan loo magacaabay xilka Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa si rasmi ah 1da bisha July la wareegi doono xilkaasi, waxaana uu dhashay sanadkii 1942.

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA IYO WAFDI UU HOGAAMINAYO OO GAARAY BELEDWEYNE..

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa goor dhow gaaray magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, si ay ula kulmaan odayaasha dhaqanka ee wali ka biya diidan shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Sida ay sheegayaan wararka Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiirka Batroolka Maxamed Mukhtaar iyo xubno kale, waxaana ujeedka socdaalkooda uu yahay sidii xal looga gaari lahaa tabashooyinka ay qabaan Odayaasha dhaqanka Hiiraan, kuwaasoo ho ray u qaadacay shirka Jowhar.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo wafdiga uu hogaaminayo ay horu dhac u yihiin Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo dhowaan lagu wado inuu tago B eledweyn, si uu ugu qanciyo odayaasha dhaqanka dib u ambaqaadida shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in wafdigan ay kulamo la qaadan doonaan Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada gobolka Hiiraan, si looga arrinsado tabashooyinka ay qabaan iyo sidii dib loogu bilaabi lahaa shirka maamul u sameynta.

Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa tan iyo markii uu furmay 12kii bishii Janaayo waxaa uu ahaa mid hakad ku jiray, oo aan wax dhaq dhaqaaq ah ka jirin maga alada Jowhar, iyadoo markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha soo bandhigtay sida odayaasha dhaq anka labada gobol loogu qeybiyay tirada soo xuleysa ergada waxaa uu ahaa mid wajahayay muca arado iyo dhaliilo habka loo qeybiyay, gaar ahaan saamiga beel walba heshay.

Odayaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Beledweyn 7dii bishan waxay kaga soo horjeesteen dib u ambaqaadida shirka maamul u sameynta labada gobol ee gogoshiisa taalo Jowhar.

Lama oga sida Xukuumadda uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare cumar Cabdirashiid uga gu uleysan karto inay xaliso tabashooyinka ay qabaan beelaha, iyadoo bishii hore Safar uu Madaxwe ynaha ku tagay Beledweyn aanu wax natiijo ah ka soo bixin safarkiisa.

DONALD TRUMP OO LUMIYAY KALSOONIDA LABO GOBOL OO KA TIRSAN MAREYKANKA

Musharaxa ugu cad cad Tartanka Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa aad ugu guuldareystay doorashada is reeb reeb xisbigaas ee Gobolada Wyoming iyo Wa shington DC.

Ted Cruz oo ah ninka sida weyn ee uu tartanka kala dhaxeeyo Mr Trump ayaa ku guuley stay 66 cod Gobolka Wyoming, halka Marco Rubio uu isna ku guuleystay Gobolka Washington DC.

Guuldarada Donald Trump ayaa timid, markii uu hakiyay isu soo bax siyaasadeed uu ku qa ban lahaa magaalada Chigaco sababo la xiriira isku dhac dhex maray taageerayaashiisa iyo dad ka soo horjeeday oo ku eedeeyay cunsurnimo.

Dhinaca kale Madaxweyne Obama ayaa ugu baaqay dhamaan musharaxiinta inay ka fogaa daan hadalada kicinaya shacabka, isla markaana xambaarsan dhiilada.

KOONFUR GALBEED OO AMAR KU BIXISAY XAASASKA RAGGA SHABAABKA INAY DEG DEG ISKU DIIWAANGELIYAAN

Maamulka Koonfur Galbeed oo ka duulaya Suggida ammaanka Magaalooyinka uu ka taliyo Maamulkaasi, ayaa soo saaray awaamiir ka dhan ah xaasaska Ururka Al Shabaab iyo dadka taage erada u muujiya Shabaabka ee qariya xubnaha Ururkaasi ka tirsan.

Guddi amni oo ka kooban xubnaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed oo Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku dhawaaqay ayaa soo saaray awaamiir la xiriira dhanka amniga, iyadoo Guddigan daraad Warbaahinta ay kula hadleen Magaalada Baydhabo.

Sheekh Xasan Lugbuur oo ah Wasiirka Maaliyada ahna Guddoomiyaha Guddiga amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in si deg deg ah looga baahan yahay Xaasaska Shabaab ee ku sugan Magaalooyinka Maamulka Koonfur Galbeed inay si deg deg ah u tagaan xarumaha Maamulka oo ay isdiiwaangeliyaan, si loola socdo dhaqdhaqaaqooda.

Waxa uu sheegay sidoo kale dadka ganacsatada ah iyo dadka ku nool Magaalooyinka Maamulka Koonfur Galbeed in dhankooda looga baahan yahay inaysan qarin xubnaha Shabaabka ee ay arkaan, hadii ay qariyaana iyaga loo arkaayo inay Shabaab ka tirsan yihiin.

Awaamiirtaan ayaa la xiriirta suggida ammaanka Magaalooyinka Maamulka Koonfur Galb eed, si looga hortaggo weeraro Shabaab ay ka geystaan Magaalooyinka Maamulkaasi uu ka taliyo.

Taliyaha ciidamada Booliska Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay dhankiisa Askariga ka tirsan Maamulka ee isaga oo Isbaaro dhiganaayo la qabtaa si toos ah loogu gudbinaayo ma xkamada ciidamada Qalabka sida si loo xukumo.

Daraad Magaalada Baydhabo waxaa lagu xukumay 7 ruux oo loo haystay inay ka damb eeyeen Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo, iyadoo 5 ruux dil lagu xukumay, halna xabsi saddex sano ah lagu xukumay, iyadoo midka kalena la sii daayay.

OBAMA OO FARIIN U DIRAY MUSHARAXIINTA U LOOLAMAYA QABASHADA HOGAANKA MAREYKANKA

Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama, ayaa fariin u diray Musharaxiinta u barataya qabashada Hogaanka dalka Mareykanka, xilli dalkaasi ay si aad ah uga socdaan ololaha ay wadaan Musharaxiinta.

Obama ayaa fariinta uu u diray Musharaxiinta waxa ay ku saleysan tahay inay ka fogaadaan Hadalada Dhalinaya Khilaafka iyo kala qob qobka.

Donald Trump oo ah ninka Maalqabeynka ah ee ugu cad cad Musharaxiinta Xisbiga Jamhuuriga, ayaa hadalo xanaf leh dhowr mar Warbaahinta ka sheegay isaga oo si kulul u weer aray dadka Muslimiinta ah ee ku nool Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ugu baaqay Musharaxiinta inay ka reebtoomaan, hada lada Aflagaadada iyo kuwa dhalinaya Rabshadaha ee la xiriira Midabka iyo Diimaha.

Hadalkaan ka soo baxay Obama waxa uu yimi maalin un kaddib markii taageerayaasha mu sharaxa ugu cadcad Xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump, ay isku dhaceen mudaaharaadayaal ku sugnaa isu soo bax ka dhacay magaalada Chicago, isu soo baxaasi oo markii dambe la baajiyay.

Donald Trump oo ah Musharaxa ugu cad cad Xisbiga Jamhuuriga ayaa loo tirinayaa inuu yahay shaqsi abuuray xasarad, xilli uu ku guda jiro ololihiisa ku aadan qabashada hogaanka dalka Mareykanka.

XAALADO ADAG OO KA JIRA DEGMADA RAAGGE CEELLE EE GOBOLKA SH/DHEXE

Degmada Raage Ceele oo ka mid ah degmooyinka gobolka Sh/dhexe una xigta dhinaca Waqoyi Bari caasimada dalka ee Muqdisho 120 km, ayaa dadka ku nool waxaa haatan soo waja hay xaalado adag oo dhinaca nolosha ah iyadoo dadka ku nool degmadaas ay u badan yihiin xoolo dhaqato,beeraley iyo ganacsato.

Dadka ku nool degmaada Raagge Ceelle ayaa waxaa haatan ka jira xaalado adag oo dhin aca nolosha ah iyadoo haatan lagu jiro xilliga jiilaalka, iyadoo nolosha dadkana ay ku xiran tahay xoolaha nool.

Xaalada ammaanka degmada Raage Ceele ayaa ah mid aad u wanaagsan oo la isku haley nkaro iyadoo inta badan deegaanada hoos yimaada degmada ay haatan gacanta ku hayaan ciid amada dowlada iyo ciidamada AMISOM. Magaalada Raage Ceele ayaa waxa haatan ku sugan ciidamo isugu jira Soomaali iyo AMISOM.

Degmada Raage Ceelle ayaanay ka jirin adeeg caafimaad oo ka jira degmada Raage Ceele waxaana dhibaatada ugu badan ay heysataa hooyada,carruurta iyo dadka da’ada ah.

‘Marka aan gaarno xilliga dhalmada maheysano isbitaal aan ku umulno mararka qaar waxa an la kulannaa dhiigbax daran qoyska waxa ay ku dadaalaan sidii loogu qaadi lahaa magaalada muqdisho balse gaariga lagu qaadayo hooyada umuleysa ayaa waxaa lagu kireeyaa lacag gaareysa 300 oo doolar mana awoodaan dadka oo dhan haddii la helana waxaa jirta in wadada ay dhibaato kala kulmaan maritaankeeda maadaama ay tahay bacaad oo dhib ku ah maritaankeeda gawaarida qaar waxaana dhacda mararka qaar in hooyada ay ku dhimato inta safarka lagu gudo jiro.” ayey tiri Maryan mid kamid ah hooyooyinka ku nool degmada Raage ceele ee gobolka shabe ellaha dhexe.

Degmada Raagge Ceelle ayaan hore ugaga jirin xarumo waxbarasho hase yeeshee waxaa toddobaadkan guddoomiyaha degmada Raagge Ceelle Yuusuf Xaaji Maxamuud uu xariga ka jaray labo iskuul oo ah dugsi hoose dhexe oo mid kamid ah ay dhistay gabar soomaaliyeed oo qurbo jo og ah midka kalana waxa ka hirgelisay dowlada Soomaaliya.

Raage Ceele ayaa ah degmo hadda kasoo kabaneysa dhibaatooyinkii ka jiray sanooyinkii la soo dhaafay waxaana laga dareemayaa horumar ay gaarayaan dadka deegaanka iyadoo ganac siga degmadana uu yahay mid loogaga yimaado deegaanada ka fogfog.

Dhinaca dhalinyarada ayaa dhowaan waxaa halkaasi gaaray Xoghayaha isboortiga gobolka Sh/dhexe Cali Hilowle Cabdi isagoo markii u horeysay gaarsiiyay agab sport dhalinyarada ku nool degmada Raagge Ceelle.

Dhalinyarada degmada ayaa bilaabay tartamo sports sida tartamo ciyaarta kubbada cagta ah iyo weliba tartamo dhinaca ciyaaraha fudud ah sida orodada iyo bootinta.

Si kasta ha ahaatee waxaa muuqata degmada Raagge Ceelle aysan ka helin tixgelintii ay ugaga baahnayd dowlada sidii horumar dhinacyada adeegyada bulshada u heli lahayd.

Guddoomiyaha degmada Raage Ceele Shiikh Yuusuf Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in amaanka degmada uu yahay mid la isku haleynkaro waxaana uu ka codsaday dowlada Sooma aliya iyo hay`daha samafalka in ay wax u qabtaan dadka ay daashadeen dhibaatooyinka ee ku nool degmada Raagge Ceelle.

WEFDI GAARAY MAGAALADA KISMAAYO, XILLI LAGU WADO HAWLGAL KA DHAN AH SHABAAB IN LA QAADO ..

waxaa Sabtidii Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubbada Hoose gaaray wefdi uu horkaca ayay Wakiilka Ururka Midowga Yurub ee u qaabilsan arrimaha Somaliya, Michele Cervone d’Urso.

`Wafdigan waxaa qayb ka ah Wakiilka Midowga Afrika Ee Somaliya Ahna Madaxa Ciida mada Nabad Ilaalinta Amisom, Amb. Francisco Caetano Madeira iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Amisom, Anand Pillay.

Wafdiga waxaa loo galbiyay Madaxtooyada Magaalada Kismaayo, halkaasoo uu ku qaab ilay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

Illaa iyo hadda waxaan faah faahin laga bixin waxyaabaha ay ka wada hadleen dhinacya daasi, balse Suxufiyiinta Kismaayo waxay soo sheegayaan inay ka wada hadleen, sidii lagu dardar gelin guluf ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa 29kii bishii hore ee February Magaalada Kismaayo kaga dhawaaqay in Ciidamada Huwanta ay u diyaar garoobeen duulaan ballaaran, oo lagu qaadaayo goobaha ay Al Shabaab ka joogto Gobolada Jubbooyinka.

Axmed Madoobe, ayaa wuxuu xilligaa sheegay in hawlgalkan uu noqon doono mid xididada loogu siibo doono Shabaabka gacanta ku haaya guud ahaanba Gobolka Jubbada Dhexe iyo qaybo ka mid ah Gobolka Jubbada Hoose.

Gobolka Jubbada Hoose waxaa ku sugan ciidan ka kala socda Wadamada Burundi, Kenya & Itoobiya, kuwaa oo dhammaantood qayb ka ah Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Amisom waxaa la tilmaamaa in Dowladda Dhexe Somaliya & Maamul Goboleedyada qaark ood, ay ka caawinayso la dagaalanka Ururka Al Shabaab.

ASKARI KA TIRSAN CIIDAMADA KENYA EE KA HOWL GALAYAY SOOMAALIYA OO IS DILAY

Askari ka tirsan Ciidamada Kenya oo ka mid ahaa howl galka Ciidamada AMISOM ee Soom aaliya ayaa is dilay, kadib markii uu dhowaan dalkiisa ku laabtay.

Sida ay qortay Wargeyska Standard ee ka soo baxa dalka Kenya askarigan ayaa isku dilay Tuulo lagu magacaabo Bukalama oo ka tirsan degmada Busia ee ku taala xadka Kenya iyo Uganda.

Askarigan oo lagu magacaabayay Joash Ochieng Magar ayaa 52 jir ahaa, waxaa qoyskiisa ay sheegeen inuu qabay xanuuno dhinaca maskaxda oo madaxa ayaa looga jiray.

Gabar la dhalatay askarigan isku dal dalay qolkiisa ayaa sheegtay in lagu wargeliyay inuu yahay howlgab 12kii bishan, iyadoo xustay in dhowaan uu si nabadgelyo uu dalka Kenya ugu soo laabtay.

Booliska degmada Busia ayaa bilaabay baaritaanka ku aadan askariga is dilay ee ka tirsanaa Ciidamada Kenya ee ka howl galayay Soomaaliya.

Kumanaan ka tirsan Ciidamada Kenya oo qeyb ka ah howl galka AMISOM ayaa ku sugan Koofurta Soomaaliya, waxaana ay wajahayeen weeraro ugu imaanayay AlShabaab, iyadoo weerarkii u dambeeyay oo dhacay 15kii bishii Janaayo looga dilay in ka badan boqol askari.

WIIL DHALLINYARO AH OO U OLOLEEYA NAAFADA OO LA GUDDDOONSIIYEY ABAALMARIN

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Federalka Somalia, Eng. Saalax Sheekh Osman waxa uu Billad Sharaf guddoonsiiyey Maxamed A. Faarax, kaasi oo lagu dhiirige linayey Kaalinta uu ka qaato inuu u ololeeyo Bulshadda baahiyaha Gaarka ah leh.

Munaasabadaasi oo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiin iyo Marti Sharaf aad u badan, wax ay ku bogaadiyeen dadaalka badan ee uu ku bixiyey sidii loo taageeri lahaa dadka uusan dham aystirnayn Baahiyaha Gaarka.

Maxamed A. Faarax oo ka hadlay Munaasabadda lagu guddoonsiiyey Abaalmarinta waxa uu u mahadceliyey Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Dowladda Federalka Somalia, Eng. Salax Sheekh Osman iyo dhamaan Madaxda iyo Mas’uuliyiinta ku dhiirigelisay Ololihiisa ku aadan sidii loo taageeri lahaa Dadka baahiyaha gaarka ah leh.

Dhinaca kale, Maxamed A. Faarax oo shalayyto lagu wareystay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBCda waxa uu tilmaamay inay dadka naafadda culaysyo kala kulmaan marka ay dan no ka yeeshaan Xafiiska iyo Hay’addaha kale, gaar ahaan Xawaaladaha.

Waxa uu intaasi ku daray in dadka naafadda dhibaato ku qabaan arrimahaasi, wuxuuna ku baaqay in loo gargaaro dadka u baahan in la caawiyo.

Maxamed A. Faarax waxa uu bartamihii sannadkii hore bilaabay Olole uu ugu magac daray "Albaadbka iga Fur”, wuxuuna Halkudhegaasi soo jiitay Soomaalida isticmaasha Baraha ay Bulsh adda ku wada xiriiraan.

Ololihiisa waxa uu u muuqdaa in si niyadsami leh loo ajiibay, waxaana qeybo ka mid ah Dhismooyinka Dowladda Federalka lagu soo kordhiyey goobo u gaar ah dadka naafadda ee lagu riixo gaadiidka curyaaminta.

SIDAAN BERI AHAAN JIRNAY IYO HALKA WAQTIGU INNA DHIGAY!

Waxa iiga sheekeynaya Maxamed Xaaji oo waqti badan ahaa Wasiir ku xigeenkii Macdanta iyo Biyaha ee dowladdii meleteriga kana tirsanaa XHKS.

Waqtigu waa bartamahii todobaatanaadka, diyaarad ay leedahay British Airways ayaa si qalad ah ku soo gashay hawada Soomaaliya. Waxaa arkay Raadaarka ciidanka cirka Soomaaliya ,waxaa diyaaradda lagu wargaliyay in ay ku soo xadgudubtay hawada Soomaaliya oo ay dib uga laabato. Duuliyihii diyaaradda oo aheyd rakaab wuu ka madax adeygay amarka la siiyay .

Saraakiishii ciidmada cirka Soomaaliya waxa ay wargaliyeen madaxdii sare ee wadanka General Maxamed Cali Samatar ayaa dhaqso warkii loo gaarsiiyay ,waxa uu isna durbo arnitii uu la wadaagay Sareeye Gaas Maxamed Siyaad Barre ,waxa la isku raacay in diyaaradda qasab lagu soo dajiyo.

Sadax miig oo ah kuwa dheereeya ayaa laga kiciyay Ballidoogle ,waqti yar kadib diyaaradii British Airways waxa ay aragtay labo Miig oo midna ka sareeyo labana ay dhinacyada ka xigaan waxa lagu armay in si nabad ah ay ku dagto.

Xiriiro ayay damceen in ay la sameeyaan raadaarkii hore ay amarka ugu diidaan laakiin looma jawaabin, Khartuun ayay la xiriireen si London loo gaarsiiyo waxii dhacay.

Waqti aan badneyn kadib diyaaradiij Rakaabka ee British Airways waxa la soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho. Rakaabkii waxaa la amaray in la dajiyo Hotel Jubba, shaqaalihii diyaaradd ana waa la xiray.

Wadahadal waa ay diiday dowladii Soomaaliya waxana la geeyay Shaqaalihii iyo diyaaradi iba Maxkamadda oo ganaax baa lagu xukumay kadib ayaa shaqaalihii iyo diyaaradiiba la sii daa ya ydhawr maalin ka dib.

Duuliyihii diyaaradda waxa laga soo xigtay in uu yiri "This is another Africa”.Hadda maxey kula tahay ? maanta Hawadeena iyo Baddeenaba warkood daaye ,Ciiddeena shisheeya maka koo ntorooli karnaa ?

Waxaa Qoray:

Maxamed Ibraahim Macallimuu

NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN

{Sheeko-Taxane ah}

Q/68aad

Ogoowse jaceylka xiisa xiisaha ka dhasha inuu naceyb ku dhammaado,dullinnimoiyo ceeb. Qaarbaa intay hiigs anaay ee guur iimaankoodii ka anbaday oo waxaa ka soo baxay nabs igii jaceylka, marka gacaliye C/Qaadir iska ila ali in nabsigii jac eylka in sida taajka ama tusbaxa oo kale qoorta laguu suro.

Gacaliye C/qaadir haatana igula raaxeyso geeraarkan mii dda iyo malabka shinnida ka macaan iyo maaxda sonkorta.

GEERAAR

Ø Macaan gooyahihii, midki aan jeclaayoow

Ø qalbigeyga deeqdee, Dadka dunida joogaan

Ø Adaan kaa Asteestee, uunkale ma aan rabo walaal adiga mooyee

Ø Adduunyada dhammaanteed kuma arag sidadoo ruux aan ba kula simo lam keenin duniideed uurkeey u roono ow waan kugu ilwaadsaday.

Ø Inta Awliyaahoo Rabbi Aamineenoo

Ø Aqriyaan Qur’aankaan kuu awal wacaayoo

Ø Guul baan filaayaa iyo go’aan hagaagee guur wacan alahayoow geesigaan jeclaay iyo ani aan wada gorfeynaa ku guuleysto canshaqa mirihiisa gaamuro muddaan gar dadinay

Ø Ma ogtahay macaanoow in aragaagu ii yahay Sida Ugaa dha Duurkoo indhana u roon

Ø Ayaamahaan jaceylbaa ogadeyda saarane oontii an cun aayiyo anfacii ka soomoo oomayoo dartaayee aragaaga mooyee inta kale aduunyada oogadeeda saran uma jeedo anigee indhagey ruux kale arkiba maayaan inan ya hoo wee ma I uur naxeyshalaya oollimaayee

Ø Alle waxaan baryaayaa lbadii aro osee aqal wada gal aan oo ubada wada dhalaan ayna uba ahaatee aamiin dheh adiguna ……

Ø Macaankaan jeclaayoow, waan kuu il daranahay iilkiyo qiyaam aha inta aan la I dhigin mar qura xag geeyga soo eeg

Ø Haddii ammarka eebbiyo , uu dhaco faralka dhim ashadeyda la gaaroqur’aankiyo iqlaaska weligaa ha ila dhaafin gacaliye

Cabdulqaadir:-

Raxmo Abbaayo Macaan wanaag falidda xageyga ah ha ka daalin walaaleey,Soomaaliduna waxaa ey tiraahdaa {gacan jabtay gunteeda ayeey dhex taal}.

Raxmo abbaayo macaan kana dheeroow damacyada xun xun oo ay dhallinyaraduberyahaan dambela soo deristay , midda kale haka fikir o ogoowna {belo shiddo waa in gaaban}, rumeyso sadkuna waa hubaasha waxyaabaha la rajeeyo iyo xaqiiqeynta waxyaabaha aan la arkin dabeecadahooduna ha ahaatomid aan quruxda iyo lacagta aan qaddarin balse qaddarisa dabeecad wanaagsan iyo jaceylka dhabta ah qiimaha uu leeyahay .

Mase og tahay walaaleey in laba wejiiluhu uusan socodkiisa is bedello, raxmo abbaayo macaan {Jaceylku cabsi Ma keeno laakiin Jaceylka kaamilka ah cabsida bannaanka ayuu u soo saaraa waayoo cabsidu ciqaab bay leedahay oo kii cabsadaa kaamil kuma noqdo jaceylka}.

Cishqigeenna se waxaa tilmaami karaa sida wiil indhoole ah oo aan dabeecad laheyn wiilkii hagi lahaana afka kala dagaalay in kastoo ay soomaalidu tiraahdo {albaabbada ilaaheey axadna ood kama saarna}, {dadna waxaa ugu daran dumar degdegsiiynyo badan iyo doqon aan dareenm laheyn}.

Qofka insaanka ahina ma wanaagsana inuu guuxiisa ka dheereeyo oo uu xadkiisa dhaafo, balse adiga Raxmo ahinta aad is xakameyn karto is xakameey illeyn soomaalida ayaa waxaay tiraahdaa {shaqsiga caaqilka warkiisa yeela siduu rabay wuu helaa}.

Raxmo abbaayo macaantowaxaa I deeqay suuradaada aadka u quruxda badan,waxaad dhex huruddaa beerta raaxada ee qalbigeyga , qalanjo raxmo gacaliso waxaan faryarada kuu gelin doonaa kaatunkii jaceylka ogoowse adduunyadu inay tahay jid dheer oo meel uu ku dhammaado aanan laheyn.

Midda kale Raxmo abbaayo macaanto jaceylku wuxuu la mid yahay sida hawada macaan ee habeenka xilligiisa dambe ee saamuleylka loo yaqaano soo dhacda balsharkuna uu ku raaxeysto , kuna seexdo ubaxyaduna waxaay u muuqdaan kuwa qurux badan samandana waxaa ku xardhan xiddigo aad u bilicsan oo indhaha insaanka aad u soo jiita mar marka qaarkoodnawaxaan niyadda iska iraahdaa firaash ey ku seexato gabadha raxmo ah iyo shaalk xariirta ah oo ey huwato ayaa kaa

Nasiib badan ee allow yaa kaa dhigo iyaga, marmarka qaarkoodna waxaan is weydiiyaa salaamaha salaanta ugu farxadda badan ee aan kugu salaami lahaa qalanjadaan jeclaayeety iyo qoaabka ugu habboon ee aan kuugu qaabili lahaa inta aan iga maqan tahayna waxaan isku maaweeliyaa daawashada ubaxyada quruxda badan ee ilqabadka leh ee ka baxa ruunkaeenna dhexdiisa si aan waqtiga qaaliga ah aan ugu gaabsado waxaanase jeclaan lahaa wixii aan dhambaal kuugu soo qori lahaa in aan afka kaa iraahdo .

Raxmo Abbaayo Macaan Jaceylka aan kuu qaboawgiis waxaad ka dhex muuqataa qalbigeyga iyo indhaheyga baxadsoorahooda, waxaana jira xikmad soomaaliyeed oo dhaheyso {shaqsiga cadow nimo abuura miraha qasaaraha ayuu goostaa} ee ha abuurin miraha cadowtinnimada si aadan ugu guran miraha qasaaraha .

Midda kale Gacaliso Raxmo abbaayo macaan ilaaheey ha inaga dhigo kuwo xusuusta qalbiga isku haaya { insha allaah} oo aan is iloobin balse isu soo hilooba, hana igu noqon sida xikmadii soomaaliyeed ee oraneysay {dumarku wey iloowsho dhaw yihiin }.

Haddana xabiibi geeraarkaan aadka u macaan igula raaxeeyso qalbigaada iyo dhegahaaguba xusuustooda ku keydi gacaliso macaanto waana kan geeraarkii:-

Ø Dahab la moodyeey, da’ yar in aad tahay dadkaan u sheegaa

Ø Dhaliil looma baahnee dheemman luul in aad tahay dhabtii waan ogsoonahay

Ø Damqashada jirkeeygana maba deyn karaayoo tii nafdeydi deeqdaay haddaad dugeyga joogine,

Ø Waxaan daliishadaa tii aan dugsanayeey in aad daacad ii tahay daqiiqadaha sekenkastan uu ku dego dareenkeey

Ø Waxaad tahay gacaladeey mida gabdhaha

La Soco Isniinta Danbe Insha Allaah

W/Qoray C/Qaadir Cabdulle Nuur {Qalbbi-Dahab} Tel:- 0618455506

OGEYSIIS     OGEYSIIS      OGEYSIIS

OGEYSIIS MUHIIM AH OO AY KUU HEYSOHEY’ADDA UNICEF

Construction of Dhusamareb Cold Chain Project

INVITATION TO (BID)

LRPS-2016-9122429 17February. 2016

UNITED NATIONS CHILDREN’S FUND(UNICEF)

Wishes to Purchase

Construction of Dhusamareb Cold Chain Project

[SEALED] offers should be sent to Physically submitted at

The UNICEF Office in Mogadishu, South Central, Somalia

LRPS- 2016-9122429

Attenion: Gerard Magbity (Supply and Logistics Speciallist CSZ)

Or

UNICEF Somalia Support Centre

P.O.BOX 44145,00100,Nairobi,Kenya.

LRPS-2016-9122429

Attention: Giorgio Figus (Procurement Specialist)

 

IMPORTANT- ESSENTIAL INFORMATION

The ReferenceLRPS- 2016-9122429must be shown on the envelope containing the the offer.

Bid form and schedule(s) must be used when replying to this invitation. You are welcome to

encloseyour own [specifications / terms of references] etc., if necessary.

Offers must be received by latest 14:00 am 22 Marsh.2016 and will be publicly opened at

14:30 on the 22Marsh, 2016at both the two addresses indicated above. Bids receivied after the

stipulated date and time will be invalidated. Bids received after the stipulated date and time will

be invalidated.

It is important that you read all the provisions of bid, to ansure that you

understand UNICEF’s requirements and can submit an offer in compllance with them.

Note that failure to provide compllant offers may result in invalidadtion of bid.

THIS INVITATION TO BID HAS BEEN:-

Prepared by Giogio Figus







PLEASEPICK UP THE COMPLETE SET OF BIDDING DOCUMENTS FOR THE

OFFICES INDICATED ABOCE

 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip