HALKAAN KA AQRISO W.W. MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 24-SEP-2020...

0
Thursday September 24, 2020 - 10:00:33 in Wararka by
  • Visits: 660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W. MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 24-SEP-2020...

    Madaxweyne Farmaajo: Waxaan keenay Raysal wasaare waayo-arag ah oo waddani yaddiisu ay sarreyso Madaxweynaha Soomaaliya Md.Maxamed C/hi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Xildhi baannada G/Shacabka kalsooni-siinta iyo ansi xita R/Wasaaraha XFSMd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo: Waxaan keenay Raysal wasaare waayo-arag ah oo waddani yaddiisu ay sarreyso Madaxweynaha Soomaaliya Md.Maxamed C/hi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Xildhi baannada G/Shacabka kalsooni-siinta iyo ansi xita R/Wasaaraha XFSMd.Maxamed Xuseen Rooble oo uu xilka u magacaabay 17-kii bish an. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay Raysal wasaarihiisa inuu yahay shakhsi wadaniy adiisu sareyso oo uu ku aamino karo xilka culus uu u magacaabay, wuxu una barlamaanka ka raje eyay inay sidoo kale meel marindoonaan xuku umada uu soo dhisidoona. " R/Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waa muwaadin Soomaaliyeed oo aqoonyahan ah, waayo-arag ah oo waddaniyaddiisu ay sarrey so.Waxaa laga rabaa inuu soo dhiso Xukuum ad tayo leh oo sii ambaqaadi karta howlaha muhiimka ah ee dalka hortabinta u leh." R/wasaare Rooble ayaa sheegay tallaabo oyinka ugu horeysa ee uu qaadidoono inay yih iin amniga iyo arrimaha doorashooyinka.

Xildhibaanada BF oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyey ra’iisul wasaaraha cusub

     Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaali ya ayaa shalay si aqlabiyad leh ku ansixiyey R/ wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Md. Maxa med Xuseen Rooble oo xil kaas loo magacaab ay 17-kii bishan September ee sanadka 2020-ka.Kulankan oo ay soo xaadireen illaa 215 Mu dane ayaa waxaa guddoomiyey afhayeenka Baarlamaanka, Md.Maxamed Mursal Sh. Cabd iraxmaan oo ay dhinac fadhiyeen 2diisa ku xig een ee Md.Cabdiweli Sh. Ibraahim Muudey iyo si doo kale Mahad C/la Ca wad. Ugu horreyn waxaa kulanka furay guddoo miye Mursal oo xildhibaanada ka hor aqriyey ajendaha kulankan oo ahaa mid gaar ah, lag una ansixiyey R/wasaaraha cusub.

    Intaasi kadib guddoomiyaha ayaa hadalka ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Soomaal iya, Md.Maxamed C/hi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad kooban ka jeediyey xarunta Vill Ha rgeysa oo uu ka dhacay kulanka golaha shaca bka Soomaaliya.

     Madaxweynaha ayaa sheegay in R/ wasaar aha cusub uu ku xushay waayo aragnimo, aqo on iyo wadaniyaddiisa oo sarreysa, kadibna wuxuu weydiistay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya inay siiyaan codka kalsoonida ah.

  Kadib waxaa la gudaha galay kalsooni siinta R/wasaaraha oo ugu horreyn khudbad u jeedi yey Golaha, wuxuuna mahad-celin kadib she egay inuu wax ka qaban doono amniga, doora shada, dhaqaalaha, dowlad wanaaga, cadaala dda, dib u eegista dastuurka, dhab u heshiisii nta iyo iskaashiga caalamiga ah.

     Sidoo kale wuxuu ballan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalka ka bix isa marxaladda kala guurka ah ee lagu jiro, ka dibna wuxuu ka codsaday codka.

      Xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah ku meel-mariyey R/wasaaraha, waxaana codka kalsoonida ah siiyey dhammaan 215-ka xildhibaad ee kulanka soo xaadiray, sida uu ku dhawaaqay GBFS.

    Ugu dambeyn R/ wasaaraha cusub ayaa loo dhaariyey xil-kiisa, iyadoona uu madasha ku sugnaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed.

8 qodob oo uu ra’iisul wasaaraha cusub sheegay inuu wax ka qaban doono

     Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Shalay cod aqlabiyad leh ku ansixiyay ra’isul wasaar aha cusub ee lasoo doorta, sidaas darteed Maxamed Xuseen Rooble waa ra’isul wasaar aha rasmiga ah ee Soomaaliya.

    Maxamed Xuseen Rooble waxaa laga sugi doonaa inuu soo magacaabo gole wasiirro oo wadanka gudbin kara marxaladda kala guurka, kadib dhaarintiisa wuxuu sheegay inuu wax ka qaban doono sideed qodob isagoo heysta wa khti aad u kooban.

    Ra’isul wasaaraha cusub wuxuu sheegay in uu wax ka qaban doono marka ugu horreysay arrimaha amni ga oo ah tan ugu muhiimsan wakhtigaan in laga shaqeeyo mudan, sidoo kale qodobada uu wax ka qaban ayo waxaa ka mid ah Doorashada, Iskaashiga Caalamiga ah iyo Dhab u heshiisiinta.

Sideeda qodob ee Maxamed Xuseen Rooble uu sheegay inuu wax ka qaban doono waxaa ka mid ah:

1 – Arrimaha Amniga

2 – Doorashooyinka

3 – Cadaaladda

4 – Horumarinta dhaqaalaha

5 – Dhab u heshiisiinta

6 – Dib u eegista dastuurka

7 – Iskaashiga caalamiga ah

8 – Dowlad wanaagga iyo la-dagaalanka mus uq-maasuqa

      Sidoo kale, Maxamed Rooble ayaa tilma amay inuu soo dhisi doono xukuumad oo ka tarjumeysa baahiyaha kala duwan ee dalka ka jira, islamarkaana marxalada haatan uu dalka ku jira ka gudbisa, fulisana hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay.

     Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha cusub ee XFS ayaa uga mahad-celiyay Xildhibaanada G/Shacabka sida kalsoonida leh ee ay codka u siiyeen, isagoona la dalbaday inay ansixiyaan Xukuumadda Cusb ee uu soo dhisi doono

G/G/Banaadir oo daah furay hirgelinta biyo mareen biyaha Badda ku shubaya

     Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa M/Muqdisho Md.Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Finish) oo uu wehliyo Guddomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ayaa daah-furay hirg elinta Biya-Mareen loogu talagalay in biyaha  fariista Warta isgoos ka Nambar-4 looga sa aro.G/ku xiggeen ka H/G/G/Banaadir Md.Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in maamulka G/Ba naadir uu ku guuleystay in biyaha ka yimaada Warta KM4 aysan markale xiri doonin jidka loo aado garo onka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee M/Muqd isho, ayna u sameeyeen goobo biy aha ay mar aan oo ay badda ku shubaan.

    G/G/Banaadir Md.Cumar Finish ayaa sheeg ay in maamulka Gobolka uu xoogga saarayo xal u helidda biyaha dhex ceegaaga waddo oyinka caasimadda. "Caqabadda ugu badan marka Amniga laga reebo ee na soo wajahda waxaa ay ahayd roobabka oo bur buriyay wad dooyinkii dhisnaa oo saameyn ku yeeshay bul shada caasimadda, juhdi badan kaddib waxa an ku guuleysanay inaan hirgelino goobaha biy aha u gudbiya badda” ayuu yiri G/G/Banaadir.

Ku simaha Wasiirka ganacsiga oo tababar u furay wakiilada ganacsiga Soomaaliya

    Ku simaha W/W/Ganacsiga iyo Washadaha Soomaaliya Inj. C/hi Cali Xasan ayaa Shalay furay tababar aqoon kororsi ah oo kor looggu qaadayey awoodda shaqo ee Wakiilada Gana csiga Soomaaliya u qaabilsan dalalka caalam ka.  Waxaana tobabarkan oo ka qabsoomay habka Muuqaal-Arag ah ee Internet-ka ka soo qeyb-galay

     mas’uuliyiinta Wasaaradda,Wakiilada Gana csiga iyo Bangiga Adduunka. Tababarkan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo hay’adda IFC oo ka tirsan Bangiga Adduunka, ayaa ujeedki isu ahaa sidii Wakiilada Ganacsiga kor looggu qaadi lahaa heerkooda aqooneed ee la xiriirta horumarinta dhinacyada dhaqaalaha, diblomaa siyadda, shuruucda ganacsiga iyo maal-gashi ga. waxaana si gaara looggu tobabaray waxyaabaha muhi imka u ah sidii Wakiiladdaasi ay dalka ugu soo jiidi lahaay een xiriiro ganacsi iyo sidoo kale inay maal-ga shadeyaasha caalamiga ah iyo qurba-joogta Soomaaliyeed ay ugu soo dhiiri-gelin lahaaye en inay dalka Maal-gashadaan.

     Ku-simaha WWG&W.Inj. C/hi Cali Xasan oo halkaas hadalo ka jeediyey, ayaa sheegay in tababarkani uu ahmiyad weyn u lee yahay wadanka, waxaana uu Wakiilada ganacsiga uu kula dardaarmay inay mas’uuliyad iska saar aan sidii ay wadanka ugu soo jiidi lahaayeen xi riiro ganacsi iyo weli sidoo kale maal-gashiyo caalami ah maadaama ay yihiin Wakiilada ras miga ah ee wadanka u qaabilsan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga.

    Tababarkan, ayaa wax weyn ka beddeli doo na xiriirka Ganacsi ee Soomaaliya ay la leedah ay dalalka caalamka sidoo kale kor uqaadidda fahamka ay Wakiilada Ganacsigu ka haystaan dhinacyada Maal-gashiga iyo Ganacsiga iyada oo sidoo kale uu tababarkani kor-uqaadaayo sidii ay Soomaaliya ay wax-soo-saarkeeda ugu dhoofin lahayd wadamada caalamka

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Axmed Madoobe oo kulmay

    Madaxweynaha D/G/Jubaland  Axmed Max amed Islaam  oo weli ku sugan M/Muqdisho ayaa Xalay kulan la qaatay G/Aqalka Sare ee BFSMd.Cabdi Xaashi C/hi.

Kulankan oo ka dhacay hoyga Gudoomiyaha ayaa lagaga hadl ay Xaalada dalka, iyo Arimahaa xiriira Doorashooyinka Soomaaliya.

  G/Aqalka Sare ee BFS Md,Cabdi Xaashi ay aa horay ula kulmay qaar kamid Madaxda D/ G/yada, isaga oo kala hadlay arrimo ku saabs an doorashooyinka iyo xaalada siyaasadeed ee dalka.


Md.Daahir Geelle oo sheegay in ugu dam beeyn dowladdu aqbashay, wixii uu in muddo kaga Caal la’aa

      Md.Daahir M.Geelle, Wasiirkii hore ee W/ W/fnta Somaliya ayaa sheegay in muddo ka dib ay DFS aqbashay wixii ay ku kala irdhoo been. Md. Daahir M.Geelle oo xilka iska casilay 1dii bishii May ee sanadkii 2019 ayaa sababa ha uu isu casilay waxa uu xilligaa ku sheegay, iyadoo ay dowladda ku kala aragti duwanaad een arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda arrima ha dibadda, khilaafka DF&D/G/yada & mucaar adka, oo uu sheegay inay tahay in la dhageys to, haddii ay wax soo kordhinayaan.

  Qoraal uu Xalay soo dhigay bartiisa Facebo ok ayuu kaga hadlay isu soo dhawaanshaha xilligan ee DFS&Madaxda D/G/yada. Qoraalki isa ayaa u qornaa sidatan:-

     Muddo ayaan xukuumaddii aan ka tirsanaa ku xoodiyay inay xaqiiqada food-saaraan oo ay hor fariistaan maamul goboleedyada si la isula meel dhigo siyaasad loo dhan yahay oo lugu dhaafo waqtiga adag.

 Qofkaad is qabataan ba dhinicisa dhulka dhig & ka adkaaw fikrad dal sida Soomaaliya burbur ay lugu hoggaamin karo maahan. Waa ay ii muuqatay in mar uun dib loo baraarugayo oo la aqbalayo xaqiiqada, inkastoo ay fiicnayd in waqtiga, dhiigga &dhaqaalaha baxay la baajiyo

    Shalay markii la arkay heshiis ay u dhanyih iin saamileeyda siyaasadeed ee Soomaaliya waxaa muuqatay midnimo iyo yididiilo cusub, waxaana yaraatay cabsidii haysay Soomaalida samaha jecel oo soo dhaweeyay heshiiska. Ha ddii la saxartiro heshiishka ay gaareen DF ah iyo Madaxada Maamuul G/yadu, waxaa la gaa ri karaa meel fiican.

Qaramada Midoobay oo  war kasoo saartay ansixinta R/-wasaaraha cusub ee dalka

    War qoraal ah oo lagu daabacay bogga xaf iiska Q/Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu ca ddeeyay in QM  ay soo dhawe yneyso, isla markaana ay hamba yo u dirayso R/Wasaaraha cus ub ee dalka Md.Maxamed Xuse en Rooble oo Shalay codka kalsoonida ka he lay Xildhibaannada G/SH/B/Soomaaliya.

     "Bahda Q/M.ayaa hambalyo diiran u diray sa Maxamed Xuseen Rooble oo si rasmi ah u xaqiijiyay inuu yahay R/Wasaaraha Soomaai iya,waxayna u rajaynayaan guul xilli uu bilaa bayo doorkiisa hoggaamineed ee muhiimka ah waqtigan xasaasiga u ah Soomaaliya, waxa yna Q/Midoobay ballan qaaddaysaa inay gar ab istaagayso, iskaashina la samaynayso R/l Wasaaraha cusub” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Q/M ee Somaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub & Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan yeeshay

     R/Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Max amed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan waxaa uu M/Muqdisho kula qaatay G/ &G/ku xigeen ka 1aad ee G/Sh Barlamaanka Soomaaliya.

    Kulanka ayaa ahaa mid uu R/Wasaaraha Cusub uga mahad celiyay doorkii ay Guddoonka G/Shacabka ka qaateen ansixintii R/Wasaare Rooble, iyo wada-shaqeynta laga sugayo xukuumadda uu soo Magacaabi doono iyo Golaha Shacabka.

    " Waxaan Xalay Kulan Muhiim ah oo miro dhal ah la qaatay G/iyo G/ku xigeenka 1aad ee G/Sh/BFS ayuu yiri” R/W Rooble.

     Guddoonka GSh ayaa R/Wasaaraha Cusub waxaa ay ugu hambalyeeyeen xilka loo igma day, iyaga oo ugu baaqay in ka Shaqeeyo arr mo dhowr ah oo u baahan in wax lag qabto, si da Amniga doorashooyinka iyo dhaqaalaha.

R/Wasaaraha Cusub ee Soom aaliya M.Xuseen Rooble ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ku dhawa aqo Golihiisa Wasiirada Cusub, iyada oo ay jir aan qaar kamid ah Golihii hore ee xukuumadii Kheyre iyo Xubno kale oo dadaal ugu jira ka mid noqoshada Xukuumadda Cusub.

Qarax ka dhacay Suuq ku yaalla Afgooye & khasaare ka dhashay.

     Wararka ka imaanaya Sh/Hoose ayaa shee gaya in Shalay qarax khasaare geystay uu ka dhacay degmada Afgooye ee gobolkaasi.

            Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay suuq xoolaha nool lagu iibiyo oo ku yaalla gudaha degmadaasi.

     Wararka ayaa sheegaya in xilliga uu qaraxu dhacayey ay suuqa ku sugnaayeen dad fara badan oo shacab ah.            Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay araxa asi, iyad oona ay ku dhaawacmeen labo kale oo dham maan ah dad shacab ah.

     Goobta Qaraxa ka dhacay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sa meeyey halkaasi, Xaaladda ayaa hadda deg an, waxaana si caadi ah ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa suuqa uu qaraxu ka dhacay.

     Dhanka kale Afgooye oo qiyaastii 30 km u jirta M/Muqdisho ee warkii.com Soomaaliya ay aa waxaa inta badan weeraro xoogan ka fuliya dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Dad Muruqmaal ah oo Dhisme ku dumay

    Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay kadib markii uu dhisme ku dumay dad Muruqmaal ah, kuwaas o la sheegay in ay dhisayeen Dhismaha dumay, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan.

Inta la    Xaqiijiyay seddex ruux ayaa ku dhimatay hal ka 10 kalena ay ku dhaaw acmeen, Dhismaha duwamay.

    dhacdada ayaa ka dhacday Magaalada To g-wajaale, waxaana dadkii dhaawacmay loola cararay Cusbitaalada ku yaalla magaaladaas.

Wararku waxaa ay sheegayaan in dadka dhin tay uu ka mid ahaa qofkii lahaa dhismaha la dhisaayay.

    Wali maamulka Magaalada Wax war ah ka ma soo saarin dadka ku dhintay Dhismaha du may iyo waxa sababay in uu dumo Dhismaha asi, balse warar kaal duwan ayaa kasoo baxa ya.

Ururka Qareenadda oo kasoo horjeestay go’aan kasoo baxay DFS

    Shir Deg Deg ah oo ay yeesheen Urrurka qa reenada Soomaaliyeed ayay si kulul uga soo horjeesteen xeerka ajuurada Maxkamadaha ay dhawaan soo saartay W/Maaliyadda Soomaal iya, taasi oo soo baxday 20/09/2020.

     Qareenada Soomaaliyeed ayaa su’aal geli yey sharciga uu wasiirka u maray soo saarida xeerka uj uurada maxkamadaha, iya goo meesha ka saaray in maxkamada lagu soo dhexda ro xeerka uju urada.

     Md.C/ir Maxamed Muuse oo ka mid ah gu ddiga Qareenada Soomaaliyeed ayaa shirka ka dib Warbaahinta la wadaagay goo,aanada ay soo saareen golaha qareenada Soomaaliye ed, waxaana uu sheegay in  Ururka qareenada iyo Maxkamadaha ay aheyd inay iskaashi ka yeeshaan tallaabo kasta oo la qaadayo.

     Afhayeenka urarka Qareenada Soomaaliye ed Abuukaate Cali Xalane ayaa dhankiisa she egay in xeerkani aan loo marin wadadii saxda aheyd, ayna shacabka Soomaaliyeed xILliga ani awoodin in ay iska bixiyaan lacagaha. Xigasho:radiorisaala.com

4 qof oo midi uu Nabadoon yahay oo laga qafaashay Gobolka Gedo

     Wararka ka imaanaya G/Gedo ayaa shee gaya in Shalay Ciidanka GSU-da ee dalka Ken ya, ay weerareen deegaanka Yadoo, oo qiyaa stii 30km W/Bari kaga beegan D/Ceelwaaq ee G/ Gedo. Ciidanka Kenya ayaa waxay deega ankaasi ka sameeyeen qalqal-gelin bulsho, iya goona ka qafaashay 4 nin oo lagu kala magic aabo Nabadoon Warsame Abeyle Cilmi, wiil uu dhalay oo lagu magacaabo C/hi Warsame Abe yle, Maxamed Shidane Xasan & Warsame Bar re Qorane.

    



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip