Al-shabaab oo weerar khasaaro geystay ka fulisay Kenya

0
Tuesday September 22, 2020 - 15:08:53 in Wararka by
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab oo weerar khasaaro geystay ka fulisay Kenya

    Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaala xoogan oo dhexmaray Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Kenya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay deegaan ka tirsan Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi barri ee Kenya. Dagaalka ayaa ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaala xoogan oo dhexmaray Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Kenya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay deegaan ka tirsan Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi barri ee Kenya. Dagaalka ayaa ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Kolonyo ay la socdeen Ciidamo Milateri ah kana tirsan Kenya, xili ay socdaal ku marayeen inta u dhexeeysa Lafey iyo Alungu-Elwak ee Mandheera, sidaasina uu dagaalka ku bilowday. Saraakiil ka tarsal Booliska Kenya oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dagaalkaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.
 Sarkaal Boolis ah ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka dileen 5 dagaalame, halka kuwo ay ka dhaawaceen, sidoo kalena dhankooda uu ka geeriyooday hal Askari, laba kalena ay dhaawacyo Culus kasoo gaareen, isagoo xusay in dhimashada dhankooda ay korortay.

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in Ciidanka Milateriga ahaa ee weerarka lala eegtay ay kusii jeedeen Garoon diyaaradeed, isla markaana dagaalka dhexmaray labada dhinac uu socday muddo ku dhow hal saac.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro toos ah iyo qaraxyo miinooyin ah la eegtay Ciidanka dowladda Kenya, waxaana inta badan weeraradaas Ciidanka Kenyaan kasoo gaaray Khasaarooyin kala duwan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip