Heshiiska doorashada oo wadajir loo horgeyn doono Labada Aqal ee Baarlamaanka

0
Tuesday September 22, 2020 - 14:40:47 in Wararka by
  • Visits: 239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heshiiska doorashada oo wadajir loo horgeyn doono Labada Aqal ee Baarlamaanka

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada wadajir ula kulmay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka oo muddooyinkii u dambeeyay khilaaf u dhaxeeyay. Kulankan ayaa l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada wadajir ula kulmay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka oo muddooyinkii u dambeeyay khilaaf u dhaxeeyay. Kulankan ayaa looga hadlayay sidii labada aqal ay wadashaqeyntooda dib u soo celin lahaayeen, isla markaana meesha looga saari lahaa mad-madowga u dhaxeeyay. Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa la sheegay inay ka shaqeeyeen sidii labada Guddoon khilaafkooda loo xalin lahaa, waxaana ay qeyb ka aheyd waxyaabihii looga hadlay shirarkii Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda dowlad Goboleedyada ku dhex maray Muqdisho. Kulanka ayaa looga hadlay sidii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay wadajir ugu ansixin lahaayeen Heshiiska hannaanka doorashada ee ay Muqdisho ku gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada. Wararka ayaa intaa in maalinta Sabtida la horgeyn doono labada Aqal, ayna u ansixin doonaan wadajir ah, si heshiiska doorashada u dhaqan galo. Madaxda dowlad goboleedyada ayaa dadaal badan ugu jiray sidii loo ansixin lahaa heshiiska doorashada, iyagoo go'aansaday in aanay Muqdisho ka tagin illaa Baarlamaanka labada Aqal ka ansixiyo heshiiskaas.       

 

IB0A7667
6 56A7663
4 56A7643
3 56A7683
5 56A7651
1 56A7676
 56A7686
 56A7775
 56A7704
 56A7669
 56A7693
 56A7653
IB0A7669
 56A7783
 56A7731DHAMMAAD
facebook




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip