Kheyre oo la kulmay Qoorqoor muddo 50 cisho kaddib ridistiisa

0
Tuesday September 22, 2020 - 14:24:06 in Wararka by
  • Visits: 225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kheyre oo la kulmay Qoorqoor muddo 50 cisho kaddib ridistiisa

    Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xalay kulan gaar ah yeeshay, iyagoo labada nin is arkay 50 cisho kaddib ridistii Xasan Cali Kheyre.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xalay kulan gaar ah yeeshay, iyagoo labada nin is arkay 50 cisho kaddib ridistii Xasan Cali Kheyre. Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa hoygiisa ku booqday Ra'iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, iyagoo ka wada hadlayay arrimaha siyaasadda iyo tuhuno labada dhinac ku kala jiray ee la xiriiray riditaankii Kheyre oo warar soo baxayay sheegayeen inuu wax ka ogaa Qoorqoor. Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in kulan miradhal ah la qaatay madaxweynaha Galmudug, ayna ka wada hadleen arrimaha doorashada iyo kaalinta Galmudug. Waxaan xalay kulan miro dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaarie Waxaan ka wada hadalnay arrimaha doorashada iyo kaalinta Galmudug, sidoo kale waxaan isla eegnay howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay iyo waxyaabaha horyaalla maamulkiisa"ayuu yiri Kheyre oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook. Xasan Cali Kheyre ayaa qeyb ka ahaa shirkii Dhuusamareeb 2, iyadoo saddex maalin kaddib markii shirkaas soo gabagboobay uu Golaha Shacabka si lama filaan ah oo aan waafaqsaneyn dastuurka xilka uga tuuray. Ra'iisul Wasaarihii hore ayaa markii codka kalsoonida lagala laabanayay ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb, iyadoo la sheegay in markii uu soo baxayay aanu xitaa soo sagootin Madaxweyne Qoorqoor, waana tuhunka ka dhashay inuu wax ka ogaa ridistiisa. Kheyre ayaa lagu xusuustaa dadaalkiisa dhismaha Galmudugta cusub, isagoo waqti badan ku bixiyay, iyadoo sidoo kale uu dhisay Madaxweyne Qoorqoor oo ka mid ahaa Golihiisa Wasiirada.

.. 

          



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip