Kooxo hubeysan oo toogasho ka geystay magaalada Muqdisho

0
Tuesday September 22, 2020 - 13:52:53 in Wararka by
  • Visits: 251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxo hubeysan oo toogasho ka geystay magaalada Muqdisho

    Koox hubeysan oo burcad ah ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay wiil dhalinyaro ahaa ay ku dileen qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Dilka oo ka dhacay xaafada Macalin Nuur ayaa yimid, kadib markii ragga burca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koox hubeysan oo burcad ah ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay wiil dhalinyaro ahaa ay ku dileen qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Dilka oo ka dhacay xaafada Macalin Nuur ayaa yimid, kadib markii ragga burcadda ah ay gurigiisa ugu dhaceen marxuumka, iyaga oo inta aysan dilin ka qaatay mobile-kiisa, kadibna toogasho ku dilay, sida ay Warbaahinta qaar u sheegeen ilo deegaanka ah.       Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Ciise Yalaxow, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyarada deegaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay goobta ka baxsadeen kooxihii ka dambeeyey dilka iyo dhacaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goor dambe tegay meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Dharkenley iyo saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya.

Maalmihii dambe Muqdisho waxaa ku soo badanayey kooxaha burcadda ah oo xilliyada habeenkii ah dhac baahsan ka geysanaya qaar ka mid ah degmooyinka G/Banaadir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip