Shabaab & Ciidanka dowladda oo dagaal ku dhexmaray Gobolka Galgaduud
Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal culus uu saaka ku dhexmaray Al Shabaab & Ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Somaliya duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.
Dagaalka ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Miirdugul, isla markaana ay Ciidamada gacanta ku hayaan, kadib markii weerar abaabulan ay ku soo qaadeen dagaalyahanada Shabaab.
Ciidamada Xoogga dalka ayaa iska caabiyay weerarkaasi kaga yimid dhanka Ururka Al Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal labada dhinac hub kala duwan isku adeegsadeen.
Saraakiisha qaybta 21aad ee Militariga Somaliya ayaa sheegaya inay si
adag isaga caabiyeen weerarka kaga yimid dhanka Ururka Al Shabaab,
islamarkaana Khasaare ay ku gaarsiiyeen dagaalka.
Xoogaga Shabaab ayaa dib uga laabtay deegaankii saaka ay soo weerareen, waxaana hadda xaaladda ay tahay mid degan.
Ciidamada Xoogga dalka ayaa hawlgal gaafmeer ah ka wada deeganada duleedka ah goobihii lagu dagaalamay si ay u xaqiijiyaan ammaanka halkaasi.
Shabaab & Ciidanka dowladda oo dagaal ku dhexmaray Gobolka Galgaduud
Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal culus uu saaka ku dhexmaray Al Shabaab & Ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Somaliya duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa wuxuu ka dhacay