Bile Cali Diini oo lagu dilay magaalada Muqdisho

0
Monday September 21, 2020 - 11:25:53 in Wararka by
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bile Cali Diini oo lagu dilay magaalada Muqdisho

    Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa maanta wiil dhalinyaro ku ahaa ku dilay xaafadda Soona-key ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Bile Cali Diini, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka nooca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa maanta wiil dhalinyaro ku ahaa ku dilay xaafadda Soona-key ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Bile Cali Diini, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka nooca loo yaqaano Bajaajta. Wararka ayaa sheegaya in marxuumka uu markii hore askariga soo qaaday, kadibna la sheegay inuu toogtay isaga oo mootada saaran. "Wiilka Bajaajlaha ah ee la dilay askariga oo waddada dhinaceeda taagnaa ayaa ka codsaday inuu qaado waana uu qaaday, balse markii ay marayaeen xaafada Soonakeey uu Askariga rasaas ku furay sidaasina uu ku dhintay darawalkii Mootada." ayuu qof goobjooge ah.        Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in askarigii ka dambeeyey dilkaasi uu goobta ka basaday, waxaana Meydka marxuumka meesha qaaday ehelladiisa.

Allaha u naxariistee marxuum Bile Cali Diin ayaa ahaa Aabe leh labo Xaas, wuxuuna sidoo kale dukaan ku lahaa xaafadda Soona-key ee degmada Hodan.

Ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa inta badan dilal ka geysta caasimadda, siiba beegsada dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka Bajaajta.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip