XOG: Villa Somalia oo qorsheyneysa inay soo celiso xiriirkii Imaaraadka

0
Monday September 21, 2020 - 11:20:07 in Wararka by
  • Visits: 215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XOG: Villa Somalia oo qorsheyneysa inay soo celiso xiriirkii Imaaraadka

    Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay Ilo wareedyo kala duwany ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay qorsheyneyso inay dib u billowdo xiriirka dowladda Imaaraadka Carabta. Malafka dib u soo celinta xiriirkii Imaaraadka Carabta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay Ilo wareedyo kala duwany ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay qorsheyneyso inay dib u billowdo xiriirka dowladda Imaaraadka Carabta. Malafka dib u soo celinta xiriirkii Imaaraadka Carabta ayaa waxaa loo dhiibay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo u qaabilsan Arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan Maxamed Cismaan Balal. Wararka ayaa sheegaya in Maxamed Cismaan Balal uu ku wajahan yahay Imaaraadka Carabta, si uu u bilaabo wada hadalada, isagoo farriin ka sidaMadaxweyne Farmaajo.            Lama shaacin farriinta Madaxweyne Farmaajo u dirayo Imaaraadka, waxaase jiray xiriirka labada dal inuu aad u xumaaday tan iyo markii dowladda Madaxweyne Farmaajo la wareegtay lacag dhan 9.6 milyan Dollar muddo laga joogo 30 bilood, Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay heshiiskii dekedda Berbera.

      Raiisul Wasaarqha Itoobiya oo ay xulufo dhow yihiin Madaxweyne Farmaajo ayaa muddooyinkanba ka shaqaynayay sidii loo soo celin lahaa xiriirka Madaxweyne Farmaajo iyo Imaaraadka, iyadoo shuruudaha Imaaraadku dalbaday in la fuliyo si loo soo celiyo xiriirka labada dal ay ka mid yihiin in dowladda Soomaaliya bixiso cudur daar rasmi ah, ayna soo celiso lacagaha, aqbasho heshiiska dekedaha Berbera iyo Boosaaso.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip