Dowladda oo sheegtay inay dishay xubno ka tirsanaa Shabaab
Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa sheegay inay dileen xubno ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, kadib hawlgal ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose.
Taliyaha ururka 143 ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in howlgal lagu soo qabtay qaraxyo sidoo kale ay soo saareen qaraxyo ay Al-shabaab ku aaseen Tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire ee gobolka shabellada hoose.
Hawlgalkaasi ayuu sheegay in lagu qaarijiyay 13 xubnood oo ka tirsanaa Shabaab, intii ciidamada ay ku guda jireen soo saarista qaraxyada Shabaab ay aaseen.
Taliyaha ma uusan sheegin Khasaaraha Ciidamada Xoogga dalka ka soo gaaray hawlgalkaasi, balse waxa uu tilmaamay kaliya Shabaab inay waxyeelo ku gaarsiiyeen.
Ciidamada Xoogga dalka ayaa muddooyinkii dambe hawlgalo miino Baaris ah waxa ay ka sameynayeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose.