Axmed Madoobe oo ugu baaqay Xildhibaannada inay ansixiyaan heshiiska doorashada
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay kulan la qaatay Xildhibaannada labada gole ee laga soo doortay Jubbaland ayaa ugu baaqay inay ansixiyaan heshiiskii hannaanka doorashada oo ay gaareen dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in aanu cidna ku eedi doonin Xildhibaannada intii uu jiray khilaafkii Jubbaland iyo dowladda Federaalka haddii ay taageereen Dowladda, isagoo xusay in aanu jirin cid uu wax u qabo.
"Ma rabo inaan idinku eedo dadka qaarkii qaar baa hoos foorar waxb aa jira, hadaad dowlada la shaqeyseen waa damiirkii shalay idinkula dardaarmay aheyd, idinkuma eedi doonohaddii dowladda iyo aniga wax iga jireen waa heshiishnay"ayuu yiri Axmed Madoobe.
Waxaa uu ka dalbaday Xildhibaannada inay ansixiyaan heshiiska siyaasadeed ee la gaaray iyo inay ansixiyaan Ra'iisul Wasaaraha cusub. "Ra’iisul Wasaaraha la soo magacaabay waqtigiisa in aad kala
shaqeysaan oo soo dhoweysaan, wixii idinka baahan yahay
fulisaan,heshiiska siyaasadeed ayaa la gaaray ma ahan xeer waa heshiis
siyaasadeed oo aan u aragnay maslaxad inay ku jirto heshiiskaas inuu
uusan aheyn xeer ama sharci la marinayo, xalka ugu dambeeyo waa in la
fududeeyo”ayuu yiri Axmed Madoobe.
Madaxda dowlad goboleedyada ayaa la sheegay inay Muqdisho joogayaan inta laga ansixinayo heshiiskii doorasho ee ay maalmo ka hor Muqdisho ku saxiixeen Madaxweynaha dowladda Federaalka iyo Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Axmed Madoobe oo ugu baaqay Xildhibaannada inay ansixiyaan heshiiska doorashada
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay kulan la qaatay Xildhibaannada labada gole ee laga soo doortay Jubbaland ayaa ugu baaqay inay ansixiyaan heshiiskii hannaanka doorashada oo ay gaareen dowladda Federaalka iyo dowla