Afhayeenka ONLF oo sheegay in lacagta cusub ee Itoobiya ay caqabad ku noqon doonto Dhaqaalaha Soomaalida

0
Sunday September 20, 2020 - 17:21:36 in Wararka by
  • Visits: 267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka ONLF oo sheegay in lacagta cusub ee Itoobiya ay caqabad ku noqon doonto Dhaqaalaha Soomaalida

    Afhayeenka Ururka ONLF Cabdulqaadir Cadaani Hirmooge ayaa ka hadlay saameynta ay Soomaalida ku yeelan karto lacagta cusub ee ay soo saareyso dowladda Federaalka Itoobiya. Hirmooge ayaa sheegay in inta badan hantida dadka Soomaalida Itoobiya ay uga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Ururka ONLF Cabdulqaadir Cadaani Hirmooge ayaa ka hadlay saameynta ay Soomaalida ku yeelan karto lacagta cusub ee ay soo saareyso dowladda Federaalka Itoobiya. Hirmooge ayaa sheegay in inta badan hantida dadka Soomaalida Itoobiya ay uga maqan tahay Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya oo uu ganacsi kala dhexeeyo. Amarka soo baxay Dowladda Itoobiya ayaa amar ku soo saartay in la joojiyay lacagaha ka gudba xadka, maadaama dowladdu ay xareyneyso lacagtii hore si loo bixiyo tan cusub oo la qorsheeyay in la suuq-geliyo.

"Ganacsatada Soomaalida kuma xirna Bangiyada Itoobiya, sababtu waa in aysan heysan warqadaha sameynta akoonnada iyo afka oo aysan aad ugu wanaagsaneen, si ay dhaqaale u sameeyaan waxa ay ku ganacsi xirmeen Soomaalida kale ee Dariska oo u kala gudba Jabuuti, Soomaaliya & Kenya” ayuu yiri Afhayeenka ONLF.


Afhayeenka ayaa sheegay in Soomaalida aanay ka warqabin lagana talogelinin daabacaadda lacagata cusub.
"Habka lagu xareynayo lacagaha hore ee lagu bixinayo tan cusub Soomaalidu kuma lahan Galaangal muuqda, dadka miyiga kunool badi kama war hayaan waxa ka dhacaya dhanka Magaalada, taasi waa caqabad kale oo dhibaato nololeed u horseedi karta” ayuu yiri Afhayeenka Ururka ONLF Cabdiqaadir Cadaani Hirmooge.
Ugu danbeyn Afhayeenka ONLF ayaa Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ka dalbaday in uu ka shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa culeysyada ay wadato lacagta cusub ee la daabacayo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip