Qorshaha Imaaraadka iyo Isreal ay ku dhisayaan dhuun shidaal oo mareysa Sacuudiga

0
Sunday September 20, 2020 - 16:55:01 in Wararka by
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qorshaha Imaaraadka iyo Isreal ay ku dhisayaan dhuun shidaal oo mareysa Sacuudiga

    Dowladda Imaaraadka Carabta & Maamulka Israel oo dhawaan dib usoo celiyay heshiiskoodii diblomaasi ee ka dhaxeeyay ayaa wada qorshe ay ugu gogol xaarayaan wado ay maraan maraakiibta oo la marsiiyo kanaalka Marinka Suweys ee Masar. Qorshahaan a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Imaaraadka Carabta & Maamulka Israel oo dhawaan dib usoo celiyay heshiiskoodii diblomaasi ee ka dhaxeeyay ayaa wada qorshe ay ugu gogol xaarayaan wado ay maraan maraakiibta oo la marsiiyo kanaalka Marinka Suweys ee Masar. Qorshahaan ayaa looga gol leeyahay sidii loo badbaadin lahaa kharashaadka shidaalka ceyriin iyadoo lacag loo keenayo maamulka Israel. Warbaahinta Carabta ayaa wariyay maanta in wadahadallo dhexmaray saraakil ka socota Israel iyo kuwa Imaaraadka la isku soo hadal qaaday in la sameeyo dhuun shidaal oo u dhaxeysa Imaaraadka iyo Isreal iyadoo la marsiinaayo boqortooyada Sacuudi Carabiya. Dadka dhaqaalaha ku takhasusay ee arrimaha bariga dhexe isha ku haaya waxey sheegeen in mashruucaan uu saliid ceyriin ah ka qaadi doono dalalka Carbeed iyadoo la geynayo suuqyada Yurub, waxaana sidoo kale xirmaya jidadka Hormuz oo loo mari jiray xeebaha Soomaaliya. Mashruucaan wuxuu gacan ka geysanayaa sidii loo badbaadin lahaa kharashka ku baxaya daabulidda saliidda ceyriin ee booyadaha ay mariyaan Kanaalka Suweys ee dalka Masar, waxaana la fahamsan yahay in Yahuudda ay u badbaadi doonto lacag badan. Bartamahii bishaan ayey aheyd markii maamulka Israel iyo Imaaraadka Carabta ay heshiis diblomaasi saxiixdeen, wadashaqeyntaan ayaana timid kadib. Labada dhinac waxey sidoo kale iska kaashanayaan duulimaadyada iyo diyaaradaha ganacsiga ee loo ogol yahay iney dulmaraan Saudi Arabia, sidoo kalana shirkad ay leeyahiin Yahuudda oo ah nuuc dalxiis ayaa isha ku heysa iney ka shaqeyso marinka u dhaxeeya Israel iyo Imaaraadka Carabta. Qorshahaan wuxuu kusoo aadayaa xilli warbaahinta Sacuudiga ay tabinayaan in qasriga looga taliyo boqortooyada uu hareeyay buuq u dhaxeeya Boqor Salmaan Bin C/Casiis iyo wiilkiisa dhaxal sugaha ah ee Mohamed Bin Salmaan kaas oo ku saabsan heshiiska diblomaasi ee lala gali karo Israel iyadoo aysan cadeyn faa'iidada ugu jirta Falastiin. Qorshaha Imaaraadka iyo Isreal ay ku dhisayaan dhuun shidaal oo mareysa Sacuudiga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip