Ra'iisul Wasaaraha magacaaban oo la kulmay Mahdi Guuleed iyo Xildhibaano

0
Sunday September 20, 2020 - 16:03:20 in Wararka by
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha magacaaban oo la kulmay Mahdi Guuleed iyo Xildhibaano

    Ra'iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Sii-hayaha Ra'iisul Wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka. Kulanka ayaa ahaa mid is

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Sii-hayaha Ra'iisul Wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka. Kulanka ayaa ahaa mid is-barasho ah, waxaana Sii hayaha Ra'iisul Wasaaraha iyo Xildhibaannada wehliyay ay Ra'iisul Wasaaraha magacaaban ugu hambalyeeyeen xilka Cusub ee u magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Mahdi Guuleed iyo Xildhibaanada ayaa Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u sheegay inay taageersan yihiin, isla markaana garab istaagi doonaan, si uu u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday. Maalinta barri ayaa la filayaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka la horgeeyo Ra'iisul Wasaaraha Cusub, si codka kalsoonida loogu qaado, iyadoo lagu wado marka la ansixiyo in maalin kaddib la soo dhiso Xukuumad Cusub.
     


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip