Booliiska Galmudug oo soo qabtay Khamri iyo Shaqsiyaadkii watay

0
Sunday September 20, 2020 - 15:43:47 in Wararka by
  • Visits: 285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliiska Galmudug oo soo qabtay Khamri iyo Shaqsiyaadkii watay

    maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen maandooriyaha Khamriga, kaas oo si sharxi darro ah lagu soo gelin rabay Soomaaliya. Ciidamada Booliiska Galmudug ayaa sheegay in hawlgal ay ka sameyeen magaalada Cadaado ee gobolka Galgad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen maandooriyaha Khamriga, kaas oo si sharxi darro ah lagu soo gelin rabay Soomaaliya. Ciidamada Booliiska Galmudug ayaa sheegay in hawlgal ay ka sameyeen magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, ay u suurto gashay in ay soo qabtaan, dhalooyinkan Khamriga ah. Waxa ay sheegeen in Khamrigu, uu ku jiro dhalooyin gaaraya ilaa 120 dhalo, kuwaas oo qaarkood ay ku gubeen gudaha magaalada Cadaado. Ciidamada Booliiska ayaa sheegay in ay helen xogta Khamriga, oo laga keenay dalka Itoobiya, isla markaasina la rabay in la keeno magaalooyinka Cadaado iyo Muqdisho. Waxa ay intaa ku dareen in ay gacanta ku hayaan gaarigii uu saarnaa iyo shaqsiyaadkii watay, isla markaasina ay sharciga horgayn doonaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip