Liverpool oo Qarka u Saaran Heshiis ay la Saxiixato Cayaaryahan Diogo Jota

1
Saturday September 19, 2020 - 17:41:23 in Wararka by
  • Visits: 1121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool oo Qarka u Saaran Heshiis ay la Saxiixato Cayaaryahan Diogo Jota

    Kooxda Liverpool ayaa qarka u saaran heshiis ay la saxiixato weeraryahanka reer Portugal iyo kooxda Wolverhampton ee Diogo Jota sida ay ku warramayso warbaahinta dalka Ingiriiska. Wargeyska "Liverpool Echo" ayaa sheegay in Liverpool ay d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Liverpool ayaa qarka u saaran heshiis ay la saxiixato weeraryahanka reer Portugal iyo kooxda Wolverhampton ee Diogo Jota sida ay ku warramayso warbaahinta dalka Ingiriiska. Wargeyska "Liverpool Echo" ayaa sheegay in Liverpool ay dhameystirtay dhammaan faahfaahintii looga baahnaa heshiiska ay la saxiixanayso Diogo Jota. Wargeyska ayaa sheegay in Liverpool ay kula heshiisay Wolverhampton inay bixiso 41 million pounds si ay u hesho cayaaryahan Diogo Jota xagaagan. Kooxda Liverpool oo u diyaar garoobaysa dib u qaabeyn ay ku samaynayso cayaaryahannadeeda qaar ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay ku guuleysatay heshiis ay kula soo wareegeyso ciyaaryaaryahanka Thiago Alcantara. Liverpool ayaa shalay si rasmi ah u shaacisay inay dhameystirtay heshiiska ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain Thiago Alcantara, kaasoo kaga soo biiray naadiga Bayern Munich. Macallin Jurgen Klopp ayaa go'aansaday inuu la soo saxiixdo weeraryahankan si uu ula tartamo seddexda ciyaaryahan Mane, Salah iyo Firmino, kulamada ay Liverpool ka ciyaari doonto tartamada kala duwan laga bilaabo xilli ciyaareedkan cusub. .

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip