Sacuudiga oo xiriir la yeelanaya Israa'iil iyo Trump oo gar wadeen ka ah

0
Tuesday September 15, 2020 - 22:19:36 in Wararka by
  • Visits: 260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga oo xiriir la yeelanaya Israa'iil iyo Trump oo gar wadeen ka ah

    Sucuudi Carabiya ayaa la sheegay in ay heshiis la gali doonto Isra'el, waxaana heshiiskaas gar wadeen ka ah Mareykanka. Maadxweyne Donold Trump ayaa sheegay in labada dhinac ay wada hadleen ayna diyaar u yihiin in ay gaaran heshiis ballaaran

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sucuudi Carabiya ayaa la sheegay in ay heshiis la gali doonto Isra'el, waxaana heshiiskaas gar wadeen ka ah Mareykanka. Maadxweyne Donold Trump ayaa sheegay in labada dhinac ay wada hadleen ayna diyaar u yihiin in ay gaaran heshiis ballaaran oo dhinacyadu isku fahmi doonaan, waxaa intaas uu ku daray Madaxweynaha dalka Mareykanka in uu si toos ah ula hadlay Boqorka Sucuudiga iyo Dhaxal-suagaha ayna diyaar u yihiin heshiis iyo xiriir qoto dheer oo dhexmara Sucuudiga iyo Isra'el.
  "Waxaan la hadlay Boqorka Sucuudiga iyo Dhaxal-suagaha, waxay leeyihiin maskax furan, waxayna ku soo biiri doonaan nabadda” Ayuu yidhi Trump.

        Yahuudda ayaa dhawaan xiriir toos ah la yeelatay waddamo Carbeed oo ay ka mid yihiin Imaaraatka iyo Baxreyn, waxaana arrintaas si weyn u cambaareeyay dalal islaam ah, kuwaas oo sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Yahuudda xariir lala yeesho, iyadoo maalin waliba ay xasuuqayaan Falatiiniyiinta ay xoogga dhulkooda ku haysato Isra’el.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip