Muxuu ka yiri Sheekh Bashiir kufsigii iyo wiilka lagu fara-xumeeyay Muqdisho?

0
Tuesday September 15, 2020 - 22:13:35 in Wararka by
  • Visits: 279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu ka yiri Sheekh Bashiir kufsigii iyo wiilka lagu fara-xumeeyay Muqdisho?

    Guddoomiyaha Hay'adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ka hadlay kufsigii iyo dilkii dhawaan loo geystay Xamdi Maxamed Faarax oo aheyd gabar 19 jiro, kadibna dabaq dheer laga soo tuuray. Sheekh Bashiir oo warba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Hay'adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ka hadlay kufsigii iyo dilkii dhawaan loo geystay Xamdi Maxamed Faarax oo aheyd gabar 19 jiro, kadibna dabaq dheer laga soo tuuray. Sheekh Bashiir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isaga iyo Culimadda Soomaaliyeed ay dalbanayaan in marxuumad Xamdi Maxamed ay cadaalad hesho, si dhab ahna baaritaano kala duwan loogu sameeyay kiiskaas. Waxaa uu sheegay Sheekh Bashiir in muhiim ay tahay in qoyska Xamdi ay cadaalad helaan, ayna dowladda Federaalka ka tirto cabashada ay qabaan Ehelada, taasi oo ku aadan baariska kiiska.  
        Dembiiyaasha geystay falkaas foosha xun ayuu Sheekha tilmaamay in durbo la marsiiyo sharciga, wuxuuna ku taliyay in aan loo baahneyn in la siyaasadayo arrintaas, isagoona ku baaqay in hal mowqif laga qaato dhacdadaas.
            Dhinaca kale Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Sheekh Bashiir Axmed ayaa ka hadlay wiil yar oo 110-sanno jir ah oo isna dhawaan lagu fara-xumeeyay Degmada Shangaani, wuxuuna ayaan darro uu ku sheegay inay tahay in dadka xoog loo sheegto, iyada oo loo adeegsanayo magaca dowladda.

Ugu dambeyn Sheekh Bashiir ayaa ku baaqay in si wadajir ah looga soo horjeesto falalka kufsiga iyo xad-gudubyada kale ee loo geysanayo habeenka Soomaaliyeed, isagoona sheegay in muhiim ay tahay in laga hortego wax kasta oo keeni kara falalka foosha xun.







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip