Ingiriiska oo billaabay tijaabo la isku barbar-dhigayo noocyada tallaal ee COVID-19

0
Tuesday September 15, 2020 - 17:31:49 in Wararka by
  • Visits: 287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ingiriiska oo billaabay tijaabo la isku barbar-dhigayo noocyada tallaal ee COVID-19

    Seynisyahanno Ingiriis ah ayaa billaabaya dhowaan daraasad yar oo ay isku barbar-dhigayaan sida laba nooc oo tallaalka Covid-19 ah ay u fal-galayaan. Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen Imperial College London iyo Oxford University ayey ku sheeg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Seynisyahanno Ingiriis ah ayaa billaabaya dhowaan daraasad yar oo ay isku barbar-dhigayaan sida laba nooc oo tallaalka Covid-19 ah ay u fal-galayaan. Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen Imperial College London iyo Oxford University ayey ku sheegeen in daraasadani ay ku lugyeelan doonaan ilaa 30 qof oo tijaabada lagu sameynayo iyagoo neefsanaya si loo ogaado dhibcaha qoyan ee afkooda ka soo baxaya. Daraasado waaweyn oo ay horay u wadeen labadaan Hay'adood ayaa socda kuna aaddan arrinka tallaalka, baalse tani ayaa ah mid kooban oo lagu ogaanayo haddii tallaaku buufiska ah uu noqonayo mid waxtar leh marka uu qofku qaato. "Waxaan ilaa hadda heynaa caddeyn ah in buufinta sanka ay ka hortageyso hargabka iyo in ay hoos u dhigeyso gudbinta cudurka" ayuu yiri Dr Chris Chiu oo isagu hoggaaminaya daraasaddan. "Waa muhiim inaan baarno in haddii tallaaka buufiska ah uu waxtar muuqdo u leeyahay habka neef-mareenka taas oo markaasi lala barbar-dhigi karo midda laga qaato xididdada iyo murqaha" ayuu sii raaciyay. Daraasadda ayaa hadda diiwaangelineysa ka qeybqaatayaal da'doodu u dhaxeyso 18 ilaa 55 jir iyadoo rajo weyn ka qabta in tallaalkaasi ay adeegsadaan dadka ku nool London toddobaadyada soo socda. Cilmi-baarisyo hore ayaa soo jeediyay in tallaalka buufiska ama dhibcaha afka laga qaato uu ka yaryahay kan cirbadda ah ee laga qaato xididada taasina ay sabab u noqon karto in ay yaraato sahayda tallaaka loo qaadan karo. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip