Gerard Pique Oo Aan Wax Dhibaato Ah Ku Jirin Ka Dib Muuqaalo Toos Ah Uu Ka Tabiyay Barcelona Isbuucii Hore.

0
Saturday March 12, 2016 - 11:57:16 in Sports News by
  • Visits: 708
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gerard Pique Oo Aan Wax Dhibaato Ah Ku Jirin Ka Dib Muuqaalo Toos Ah Uu Ka Tabiyay Barcelona Isbuucii Hore.

    Tababare Luis Enrique ayaa ka hadlay habdhanka Gerard Pique ee uu muuqaalada tooska ah uga duubo asxaabtiisa kooxda. Pqiue ayaa isticmaalay Periscope isagoo soo dhigay muuqaalo toos ah ka dib markii ay 4-0 kaga badiyeen kooxda Eibar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababare Luis Enrique ayaa ka hadlay habdhanka Gerard Pique ee uu muuqaalada tooska ah uga duubo asxaabtiisa kooxda. Pqiue ayaa isticmaalay Periscope isagoo soo dhigay muuqaalo toos ah ka dib markii ay 4-0 kaga badiyeen kooxda Eibar.

Markii ay Barca dib ugu soo duulayeen gurigooda, daafaca ayaa weydiiyay Lionel Messi sida uu u arko 100ka gool ee ay gaareen isaga Neymar iyo Luis Suarez xilli ciyaareedkan.

Messi oo la yaaban ayaa ku jawaabay: "100kee gool ayaad ka hadleysaa?”

Laakiin qaar ka mid ah ciyaartoyda kooxda ayaa sida cad weydiisanayay Pique inuusan wax filim ah ka qaadin, waxaana ay taasi soo jeedisay in Pique uu jabiyay sharciga qolka labiska ee ah in wax walba oo gudaha ka dhaca inaysan halkooda dhaafin.

01_11225507_a07253_2737347a

Tababare Enrique ayaase wararkaas la isla dhexmarayay dilay shalayto, isagoo la saftay daaficiisa Gerard Pique.

Waxa uu yiri: :Waxa ay u muuqataa wax cajiib ah. Inay ka timaado Pique oo ah nin ka horeeya waqtigiisa waxa ay u muuqataa wax cajiib ah inay arkaan dadku waxa caadiyan ka jira safarada kooxda.”

Hadalka Enrique ayaana loo arkay in madaama ay Barca xilli ciyaareed fiican ku jirto inuusan dooneynin in xaaladaha yaryar ee dhaca aysan noqonin kuwa faraha ka baxa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip