LVG Oo Saxiixday Durbaba Warqadiisii Ceyrinta Ka Dib Qaab Ciyaareedkii Liitay Ee Kulankii Liverpool.

0
Saturday March 12, 2016 - 11:51:49 in Sports News by
  • Visits: 847
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    LVG Oo Saxiixday Durbaba Warqadiisii Ceyrinta Ka Dib Qaab Ciyaareedkii Liitay Ee Kulankii Liverpool.

    Wargesyka The Sun ayaa qoraya in tababare Louis van Gaal uu durbaba saxiixay warqadii uu shaqadiisa ku weyn lahaa ka dib qaab ciyaareedkii liitay ee ay kooxdiisa soo bandhigay kulankii Liverpool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargesyka The Sun ayaa qoraya in tababare Louis van Gaal uu durbaba saxiixay warqadii uu shaqadiisa ku weyn lahaa ka dib qaab ciyaareedkii liitay ee ay kooxdiisa soo bandhigay kulankii Liverpool.

Sida jariirada ay sheegtay madaxda Manchester United ayaa Anfield ka tagay iyagoo careysan habeenkii khamiista.

Man United ayaa guuldarro 2-0 ay ka soo gaartay Europa League lugta hore ee wareega 16ka, iyagoo ka badbaaday in shan gool laga dhaliyo.

Haatan xitaa taageerayaasha LVG ee boodhka Old Trafford ayaa aqbalay in isbedel loo baahan yahay.

01_11203729_06e7b9_2737073a

Jose Mourinho ayaa sugitaan ugu jira shaqadiisa, waxaana uu xitaa sii qortay liiska ciyaartoyda ee uu ku kicin karo United.

Hal il oo ku dhow Mourinho ayaa xitaa sheegay in heshiis hordhac ah ay gaareen ninkooda iyo kooxda Red Devils.

Waxaa sidoo kale jira taageere loo muujinayo oo uu Ryan Giggs ku bedelo Louis van Gaal, iyadoo Sir Alex Ferguson uu ka mid yahay dadka ku talinaya.

Garoonka Anfield waxaa ku cadaadatay in kooxda aysan ku socon karin Van Gaal oo xilli ciyaareed kale tababare u ah.

Tababaraha ayaana u muuqday mid difaac ku jira ka hor kulanka berri ee semi-finalka FA Cup ee ay la ciyaarayaan West Ham.

Waxa uu yiri: "Ma doonayo inaan idin kala hadlo sababtoo ah ma tihiid dadkii ay talada ka go’ day.

"Dabcan waxa ay abuureysanaa arintaan cadaadis badan oo ina saaran.

"Ka dib guuldaradii Midtjylland waadba i ceyriseen. Ka dib waan soo sarre joogsanay waxaana u soo gudubnay wareega xiga, waana macquul inaan sidaas ku sameyno Liverpool.

"Waxaan joogi doonaa gurigeena, waxaana inaan abuurno jawi la mid ah kii Anfield. Waan dhalin karnaa seddex gool.

"Waa ay adkaan doontaa laakiin waa macquul ma ahan mustaxiil. Kulanka West Ham iyadana waa macquul. Old Trafford caadiyan waan ku badinaa.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip