Midowga Culimada Islaamka oo War kasoo saaray heshiiskii Baxreyn & Israaii

0
Monday September 14, 2020 - 11:50:42 in Wararka by
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Culimada Islaamka oo War kasoo saaray heshiiskii Baxreyn & Israaii

    Midowga Caalamiga ah ee Culimada Muslimiinta ayaa si rasmi u muujiyay dareenkiisa ku aaddan heshiiska Dowladda Baxrayn ay dhawaan la galay Israel, kadib markii heshiis uu shaaciyay Madaxweyaha Mareykanka. Midowga Caalamiga ah ee Culimada ayaa hesh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midowga Caalamiga ah ee Culimada Muslimiinta ayaa si rasmi u muujiyay dareenkiisa ku aaddan heshiiska Dowladda Baxrayn ay dhawaan la galay Israel, kadib markii heshiis uu shaaciyay Madaxweyaha Mareykanka. Midowga Caalamiga ah ee Culimada ayaa heshiiskaas Baxrayn la gashay Israel waxaa ay ku ilmaameen inuu yahay khiyaano qaran oo laga gelayo shacabka Falastiin iyo umadda Islaamka ah.
Xoghayaha Guud ee Midowga Culimada Islaamka Ali Al-Qardagi ayaa sheegay in kulankii ugu danbeeyey ee midowga uu kasoo baxay bayaan ay kaga hadlayaan heshiiskaas iyo sida ay u arkaan,

Sidoo kale Xoghaye Ali Al-Qardagi ayaa tilmaamay in heshiiskaasi uu yahay mid lagu deg degay, maadaama Israel ay weli ku adkaysanayso inay sii haysato dhulka umadda islaamka ah ee Falastiin.

Waa waddankii Afaraad oo Carbeed, isla markaana xiriir diblumaasiyadeed oo toos ah la yeesha Israaiil, waxaa heshiis hore la gaaray Israaiil wadamada Masar, Urdun, iyo Imaaraadka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip