Salaad C.Jeelle "Ku dhawaaqista Musharaxnimada Kheyre Culeys Noocee ah Ayeey Wadata.."
Ku dhawaaqista Musharaxnimada Kheyre Culeys Noocee ah Ayeey Wadataa
Hadal heynta ugu badan ee la isla dhaxmaraye maanta Magaalada Muqdishu iyo meelaha ay dadka iskugu yimaadaan gaar ahaan baraha Bulshada, waxaan sabab u aheyd Ku dhawaaqista Musharaxnimada Xasan Cali Khayre, waxaa kaloo arkay Masuuliyiin badan oo falcelin aan habooneyn kala hortagay taasi waxay igu qasabtay in aan la wadaago aragtideyda.
Xasan Cali Khayre Ma yahay mid badala kara Siyaasadda iyo Xaalada uu ku sugan yahay Dalka?
Xasan Cali Kheyre oo ah siyaasi hadal jeedintiisa soo
jiidasho leedahay ahne Waaya Arag ku xeel dheer Xalinta Khilaafyada kala
duwan ee Soomaalida soo wajahi karta ama xiligaan la taagan yahay loo
baahan yahay in la maareeyo, Sida aad la socotaan waxa uu kasbaday intii
uu Xilka RW Dalka haayey Taageero dhan waliba ah kuwaas oo iskugu jira
Bulshada Soomaaliyeed iyo xubnaha Beesha Caalamka wuxuu leeyahay hami
sare.
Musharax Kheyre hadii uu dalka noqdo mid lagu tartamo
Cod Shacab ilama ahan in uu jiro Siyaasi Ku wax qabad ah Ama kula
tartami karo Kursiga ugu Sareeya Dalka taasi ayaa sabab in Siyaasiyiin
Badan cadaw ku Noqdeen Musharaxnimada Kheyre halka ay jeclaan lahaayeen
in gabi ahaanba isku soo sharixin xilka Madaxweynanimada .
Aniga ma ahi shaqsi qariya qofka miisaanka uu leeyahay
mana awoodi in aan ka been sheego Xasan Cali Khayre Waa siyaasiga kaliya
ee maanta si sharfan uga dagay xilka Raiisul Wasaaranimada walina sii
muuqato raadadkiisa shaqo wa in lagu amaana .
Hadaba, Ma ahan in aan si gaar ah u taageeraayo khayre
balse waxaan arkay Siyaasiyiin badan oo dhiliil iyo af xumeyn kala
hortageyn Musharaxnimada Khayre ee isku soo sharaxay Xilka
Madaxweynanimada, waxaa moodaa in ragg badan oo dalka khaladaad kasoo
galay ku eedeynayaan Dhowr qodob balse waxaa lagama maarmaan ah in yahay
Muwaadin Soomaaliyeed oo xaq u leh in isku sharaxo Xil waliba taasi
waxay na bareysaa in aan la inkiri karin Shaqsiyadda Khayre waan hubaa
miisaanka Siyaasadda dalka in uu qayb libaax leh kasoo qaatay balse
afkaarta waa lagu kala duwanaan karaa.
"Cidna ha u arkin in uu kaa liito”
Salaad C.Jeelle "Ku dhawaaqista Musharaxnimada Kheyre Culeys Noocee ah Ayeey Wadata.."
Ku dhawaaqista Musharaxnimada Kheyre Culeys Noocee ah Ayeey Wadataa Hadal heynta ugu badan ee la isla dhaxmaraye maanta Magaalada Muqdishu iyo meelaha ay dadka iskugu yimaadaan gaar ahaan baraha Bulshada, waxaan sabab u aheyd Ku dhawaaqista Musharax