Wiil yar oo lagu fara-xumeeyay Magaalada Muqdisho

0
Monday September 14, 2020 - 11:21:22 in Wararka by
  • Visits: 262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil yar oo lagu fara-xumeeyay Magaalada Muqdisho

    Wiil yar ayaa waxaa la sheegay in lagu fara-xumeeyay degmada Shangaani ee Gobolkaan Banaadir, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah. Ehelada wiilka yar oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in wiilkooda oo 10 sano jir ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiil yar ayaa waxaa la sheegay in lagu fara-xumeeyay degmada Shangaani ee Gobolkaan Banaadir, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah. Ehelada wiilka yar oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in wiilkooda oo 10 sano jir ah falka lagula kacay xili habeen ah, uuna ku sugnaa gurigooda oo ku yaalla Degmada Shangaani, kadibna ay baxsadeen rag la tilmaamay in arrintaas ay geysteen. Waxaa kaloo Ehelada ay sheegeen in falka lagu sameeyay wiilka ay ogaadeen, kadib markii la geeyay Isbitaal laguna sameeyay baaritaano, waxaana dhacdadaas loo qabtay hal qof oo la tuhmayo.            Falkaas ka dhacday degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo jimcihii lasoo dhaafay gabar dhalinyaro ah aheyd degmada Waaberi loogu geystay fal isugu jiray kufsi iyo dil, kadibna laga soo tuuray dabaq lix biyaano ah.

      Laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in falkaas loo geystay marxuumad Xamdi Maxmed Faarax loo soo qabtay 4 ruux, isla markaana weli ay socdaan baaritaano kale.

  Muddooyinkii ugu dambeeyay falalka kufsiga iyo dilka ayaa kusoo badanayay Gobolada dalka qaar, waxaana dhacdooyinkaas loo soo qabtay rag oo qaarkood la toogtay, halka kuwo kalena xukuno lagu riday.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip