Qabiirka BBC Sport Mark Lawrenson Oo Saadaal Ka Bixiyay Kulamada Premier League & FA Cup Ee La Ciyaarayo Isbuucaan.

0
Saturday March 12, 2016 - 11:46:44 in Sports News by
  • Visits: 765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qabiirka BBC Sport Mark Lawrenson Oo Saadaal Ka Bixiyay Kulamada Premier League & FA Cup Ee La Ciyaarayo Isbuucaan.

    Qabiirka isboortiga BBC Sport Mark Lawrenson ayaa saadaal ka bixiyay kulamada isbuucaan la ciyaarayo horyaalka Premier League iyo wareega 8da ee koobka FA Cup.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qabiirka isboortiga BBC Sport Mark Lawrenson ayaa saadaal ka bixiyay kulamada isbuucaan la ciyaarayo horyaalka Premier League iyo wareega 8da ee koobka FA Cup.

Mark Lawrenson ayaa guul u saadaaliyay kooxda Arsenal, waxa uu guuldarro u saadaaliyay Chelsea halka uu Man United u saadaaliyay inay barbaro la gelin doonto West Ham islamarkaana kulanka ku celiska ah laga badin doono.

Chelsea ayaa maanta u safreysa kooxda Everton kulan ka tirsan wareega 8da ee FA Cup, waxaana uu Lawro saadaaliyay in Chelsea ay guuldarro 2-1 ay ka soo gaari doonto kooxda martida loogu yahay Goodison Park.

lawro

Laakiin waxa uu guul u saadaaliyay Arsenal oo soo dhaweyn doonta berri kooxda Watford, waxaana uu saadaaliyay iany 2-0 ku badin doonto kooxda waqooyiga London ka dhisan.

Kulanka Man United ay Old Trafford ku soo dhaweyneyso West Ham ayuu saadaaliyay inay ku dhamaan doonto barbaro balse xiddigta uu saaray natiida ayaa la micno ah in kooxda martida ah ay badin doonto kulanka ku celiska waana West Ham.

Afarta kooxood ee uu Lawro saadaaliyay inay isagu soo harayaan semi-finalka FA Cup:

Crystal Palace oo xalayto ka soo baxday Reading markii ay 2-0 kaga badiyeen.

Everton

Arsenal

West Ham

Dhanka horyaalka Premier League kooxaha waa weyn waxaa ciyaaraya Man City oo maanta marti u ah Norwich City waxaana uu saadaaliyay in Sky Blues ay 2-0 ku badin doonto. Kooxda kaalinta labaad ee Tottenham ayuu sidoo kale u saadaaliyay guul 2-0 ah kulanka ay u safrayaan Aston Villa. Halka uu saadaaliyay in kooxda hogaanka heysa ee Leicestre City ay 2-0 kaga badin doonto kooxda Rafa Benitez ee Newcastle.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip