Akhriso: Mahdi Guuleed oo aan wax kaalin ah ku laheyn arrimaha siyaasadda ee socda

0
Sunday September 13, 2020 - 22:35:49 in Wararka by
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso: Mahdi Guuleed oo aan wax kaalin ah ku laheyn arrimaha siyaasadda ee socda

    Sii hayaha xilka Ra'iisul Wasaaraha ahna Ra'iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa wax door ah ku laheyn siyaasadda dalka. Mahdi Guuleed oo loo arkayay inuu buuxiyay booska Ra'iisul Wasaare, maadaama muddo 50 cisho ah u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sii hayaha xilka Ra'iisul Wasaaraha ahna Ra'iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa wax door ah ku laheyn siyaasadda dalka. Mahdi Guuleed oo loo arkayay inuu buuxiyay booska Ra'iisul Wasaare, maadaama muddo 50 cisho ah uu xilka sii haayo, haddana taas awood siyaasadeed oo muuqata ma aysan siinin inuu door ku lahaado go'aamada dalka. Shirka maanta ka furmay Madaxtooyada Villa Somalia ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaanu ka soo muuqan Mr Mahdi Guuleed.

Shirarkii hore ee marxalada kala guurka sanadkii 2016 waxaa Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran qeyb ka ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore Maxamed Cumar Carte oo matalayay Gobolada Waqooyi.

Hase ahaatee Mahdi Guuleed oo nasiib u yeesho inuu noqdo Sii Haye Ra’iisul Wasaare in aanu wax talo ama go’aan ku yeelan arrimaha siyaasadda dalka, gaar ahaan doorashooyinka.

Tani ayaa waxay calaamad su’aal gelineysa maqaamkiisa siyaasadda, iyadoo loo arkayo inuu yahaynin maqaar saar ah oo aan loo baahneyn in wax kaalin ah ku yeesho arrimaha siyaasadda ee socda.

Xigasho:-jowhar.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip