Wasiir Goodax oo kulan la qaatay Guddiga Dalladaha Waxbarashada dalka

0
Sunday September 13, 2020 - 21:53:18 in Wararka by
  • Visits: 265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Goodax oo kulan la qaatay Guddiga Dalladaha Waxbarashada dalka

    Siihayaha Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Maanta oo Axad ah kulan gaar ah la qaatay Guddiga Dalladaha Waxbarashada Dalka. Kulanka dhexmaray Wasiir Goodax Barre iyo Guddiga Dalladaha Waxbar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siihayaha Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Maanta oo Axad ah kulan gaar ah la qaatay Guddiga Dalladaha Waxbarashada Dalka. Kulanka dhexmaray Wasiir Goodax Barre iyo Guddiga Dalladaha Waxbarashada Dalka ayaa waxaa looga hadlay dib-u-eegista iyo horumarinta waxbarashada iyo in ay ka qeyb-qaataan dadaallada ay Wasaaraddu ku tayeyneyso waxbarashada dalka. Warar la helayo ayaa sheegaya in kulanka qodobada looga hadlay ay ku jirtay natiijada imtixaankii Dugsiyada sare dalka ee dhawaan shaacisay Wasaaradda Waxbarashada, isla markaana natiijada muran badan ay ka dhalatay. "Waxaan xafiiskeyga maanta kulan kula qaatay Guddiga Dalladaha Waxbarashada Dalka. Waxaan kala hadlay dib-u-eegista iyo horumarinta waxbarashada iyo in ay ka qeyb-qaataan dadaallada ay Wasaaraddu ku tayeyneyso waxbarashada dalka" ayuu yiri Wasiir Goodax Barre. Qaar kamid ah Dalladaha Waxbarashada dalka ayaa qaadacay natiijiada imtixaankii dowladda, iyagoona sharci darro ku tilmaamay habkii loo saxay imtixaanka, maadaama ay ku dhaceen 8 kun oo arday (90%) ay yihiin ardayda Gobolka Banaadir. Mas'uuliyiin, siyaasiyiin, macalimiin iyo waalidiin farabadan ayaa siweyn uga fal-celiyay natiijadii imtixaanka la shaacisay, iyagoo Madaxda dowladda Federaalka ka dalbaday in dib u-eegis lagu sameeyo natiijada imtixaanka sanad dugsiyeedka 2019/2020.
    


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip