Sawirro:-Al-shabaab oo gacanta ku dhigay diyaarad ku dhacday J/Hoose

0
Sunday September 13, 2020 - 21:16:01 in Wararka by
  • Visits: 253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Al-shabaab oo gacanta ku dhigay diyaarad ku dhacday J/Hoose

    Dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa gacanta ku dhigay Diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ee loo adeegsado sirdoonka iyo Sawiradda, taasi ku dhacday Gobolka Jubbada Hoose. Diyaaraddaas oo ah mid yar ayaa waxaa la sheegay inay ku dha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa gacanta ku dhigay Diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ee loo adeegsado sirdoonka iyo Sawiradda, taasi ku dhacday Gobolka Jubbada Hoose. Diyaaraddaas oo ah mid yar ayaa waxaa la sheegay inay ku dhacday agagaarka Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbada Hoose, isla markaana ay gacanta ku dhigeen Al-shabaab. War qoraal ah oo lagu daabacay baraha qadka ee Shabaabka ayaa waxaa ay ku sheegteen in diyaaraddaas oo ay ku xiranyihiin Kaamirooyin loo adeegsanayay ilaalinta Saldhiga Ciidanka Mareykanka ku leeyihiin Garoonka Kismaayo. Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in diyaaradda ay gacanta ku dhigeen ula dhaqaaqeen goob aan la aqoon, isla markaana ay ka furfurteen qalabkii ku xirnaa ee Kaamirooyinka ahaa. Al-shabaab ayaa marar badan gacanta ku dhigtay diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn oo kusoo dhacay deegaanada ay gobolada dalka kaga sugan yihiin, waxaana diyaaradahaas inta badan adeegsata dowladda Mareykanka, iyagoo ku fuliya duqeymo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip