Qof la yiri geedo soo tiri oo qorac ka tagay geedo soo ma tirin"Faaladii Ciise Faarax"

0
Saturday March 12, 2016 - 11:35:38 in Maqaallo by
  • Visits: 1170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qof la yiri geedo soo tiri oo qorac ka tagay geedo soo ma tirin"Faaladii Ciise Faarax"

    Taasi macnaheedu wuxu yahay in geedka quraca ahi uu wax badan dheer yahay geedaha kale, hase ahaatee qaraxii dhawaan gil-gilay magaalada muqdisho ma aheen qurac bal wuxuu ahaa gantaal laga soo amaahday dad aan isku dhiig aanan ahayn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taasi macnaheedu wuxu yahay in geedka quraca ahi uu wax badan dheer yahay geedaha kale, hase ahaatee qaraxii dhawaan gil-gilay magaalada muqdisho ma aheen qurac bal wuxuu ahaa gantaal laga soo amaahday dad aan isku dhiig aanan ahayn.

Indhawaalaba magaalada muqdisho dadweynaha ku nool waxey wehel la ahaayeen qaraxyo, taasi macnaheedu waxay tahay in ammaanka Caasimadda iyo gobollada kale laga cabsi qabay in ay la kulmaan wixii ka dhacay muqdisho,

Hadana dowladda Soomaaliyeed ma aha in ay gacmaha ka laabatay oo ay wax juhdi ah gelin si ay u sugi lahayda ammaanka, taasina waa dhab maxaa yeelay waa adag tahay si aad u qabato qof shabaab ah oo hadana doonaya in uu is dilo isagoo aan ka fekerin amaba ka baaraan degin sababta ku kaliftay inuu galaafto boqollaal qof oo Soomaali ah oo hadana waxba galabsan.

Ciddii xumaata iyadaa is jebisay waxaana horay loogu baaqay in ay ku soo biiraan shacbiga walaalahooda ah taasina ma dhicin lakiin go’aanka lagu gaaray in Cidammada amniga iyo nabad sugidda lagu wareejiyo gobolka banaadir waa mid la asiibay loona baahnaa taasoo dhab ahaantii haddii ay shaqeyso halabuurkaasi, waxaa la gaari doonaa nabadgelyo lagu nasto shacabkuna dareemo degenaasho iyo amni sugan.

Go’aankaas lagu gaaray in la fuliyo oo la howlgeliyo dhammaan qeybaha ay quseyso maha qar iska tuurnimo bal cid waliba waxay dareemi doontaa maalmo kadib khadkaas la degay inuu yahay mid horay loo baahnaa in la fuliyo.

Soomaaliya in dhawaalaba waxay ku soo jirtay dadaal nabadeed iyo colaado ka dib markii meesha ay ka baxday dowladdii dhexe sidaa darteed shacabka Soomaaliyeed isagoo taas weli aan ka bogsan ayeey madaxa la gashay nidaamyo aanan dhameystirneyn ha ahaatee markii dowladdaan rasmiga ah ay dhalatay waxaa ay ummadda Soomaaliyeed sugeysay in ay ka baxdo dhibaatooyinkii faraha badnaa,

Hase ahaatee dowladdaan uu hoggaanka u yahay mudane Xasan sheikh wali mahelin wixii ay isaga difaaci lahayd argagixisada caalamiga ah ee maanta dunida ku mashquulsan tahay sidii looga adkaan lahaa inkastoo madaxweyne xasan uu ka sheegay meelkastaa iyo goobkastaa in Soomaaliya aysan awood ballaaran u lahayn in ay soo iibsato hubka ay u baahan tahay si ay u qalabeyso ciidamadeeda,

Taasoo uu sheegay in ay kamid tahay cunaqabteyntii la saaray ee dhanka hubka ay wali saaran tahay Soomaaliya iyadoo arrintaasi aynagu dheeraatay taas ayaana sabab u ah in markasta la soo weeraro shacabka lana xasuuqo.

Maanta iyo maalmaha soo socdaba orodka iyo dadaalka ma yara, waxay dowladda ka fekeraysaa saddaxda bilood ee soo socda sidii loo qaban lahaa doorashooyin xalaal ah iyadoo caalamku nagu garab siinayo hase yeeshee qof maalinta loogu baahi badan yahay wax ku tari waayo dhabarkana kuu jeediyo waa Ayaan darro, hase ahaatee mudane madaxweyne meel laguugu dayaco ilaah kuma dhigin, daacadnimadaada iyo dadaalkaada, waxay keeni doontaa in shacabka Soomaaliyeed uu helo dowlad karti badan oo badbaadisa shacabka Soomaaliyeed kana qaadda cunaqabateynta hadalka,

Inkastoo dowladdu ay todobaadyo ka hor u furtay barnaamijkii daah furka oo su’aalo badan lagu weydiiyay taasoo laga dhuuxay in shacabka uu dareemay kalsoonida ay dowladdu siisay taasina waxay dowladdu ka faa;iideysatay wax badan weli sheekadu fara kama qodna maxaa yeelay gobollada qaarkood waxaa ka qarxaya dagaallo sokeeye,

Waxaasoo dhanna waxaa looga bixi karaa iyadoo shacabka Soomaaliyeed ee dhiban ku kalsoonaado dowladdiisa kalana shaqeeyaan amniga, maadaama gobolka banaadir uu howlgeli doono dhawaan si uu u xaqiijiyo ammaanka iyo kala dambeynta dalka,

Sidaa daraadeed ninkii geedaha soo tiriyay wuxuu ka tegay geedkii quraca ahaa, waxaana loo sheegay in uu san soo tirin geedaha, taasi waxay macnaheedu ku soo koobmeysaa in gobolka uu quracaasi la mid yahay maadaama aan horay lagu xisaabtamin gobolka banaadir, haddana waxaa la ogaaday runta inuu gobolka yahay meesha keliya ee xallin karta sugina karta ammaanka muqdisho maadaama ay tahay madaxa 18-degmo ee gobolka banaadir.

W/D Qoraa sare Ciise Faarax

xigasho:-radiomuqdisho.net




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip