Ciidamada Nabadsugida Jubland oo Gudaha Kismaayo Miinoiyin ka soo saaray .

0
Sunday September 13, 2020 - 20:38:24 in Wararka by
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Nabadsugida Jubland oo Gudaha Kismaayo Miinoiyin ka soo saaray .

    Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dowlad Goboleedka Jubaland, ayaa sheegay inay bambooyin ka soo saareen dhul bacaad ah oo ku yaalla Xaafadda Farjanno ee Magaalada Kismaayo. Qoraal ka soo baxay Taliska Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Jubaland, ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dowlad Goboleedka Jubaland, ayaa sheegay inay bambooyin ka soo saareen dhul bacaad ah oo ku yaalla Xaafadda Farjanno ee Magaalada Kismaayo. Qoraal ka soo baxay Taliska Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Jubaland, ayaa lagu sheegay in Bumbooyinkaas ay aaseen xubno ka tirsan Al-shabaab oo doonayay in ay qaraxyo ka fuliyaan gudaha Kismaayo. Sidoo kale, Qoraalka waxa lagu xusay in la fashiliyay isku daygaas, kadib markii Shacabka Xaafadda ku dhaqan ay Ciidanka ku wargeliyeen qaraxyada ku aasan dhulka. Dhanka kale saraakiisha Ciidanka Nabad-sugidda Jubbaland, ayaa shacabka uga mahadceliyey sida ay uga gacan-siiyaan Amniga, waxayna ku booriyeen inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.

    


        



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip