BARO DADKII UGU SAAMEEYNTA BADNAA QARNIGII 20 AAD. Dr: Xuseen Sh/ Ahmed ( Kadare).

0
Saturday September 12, 2020 - 14:27:05 in Wararka by
  • Visits: 1811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BARO DADKII UGU SAAMEEYNTA BADNAA QARNIGII 20 AAD. Dr: Xuseen Sh/ Ahmed ( Kadare).

    " NAAG DILAN IYO AWR DACAYEEYSAN HADDAAD ARAGTO I SOO DABA KACAA LAGA WAAYAY" ( ORAAHDA Dr: Kadare).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" NAAG DILAN IYO AWR DACAYEEYSAN HADDAAD ARAGTO I SOO DABA KACAA LAGA WAAYAY" ( ORAAHDA Dr: Kadare). Dr: Kadare Quote. Waxa uu ahaa Cabqari xiKmad iyo fiiro dheeri saaxiib u ahaa. AUN. Wuxuu ahaa nin ku faano dhaqanka Soomaaliyeed isagoo ka ufoodo ku dayashada dhaqamo kale ee shisheeye. Wuxuu taa ka qoray buuggiisii caanka ahaa ee WAASUGE IYO WARSAME”
SOCDAALKII SODONKA MAALMOOD. oo si fcn u tifotirayay farqiga u dhexeeyo dhaqanka Soomaalida ee ku saleeysnaa nolosha reer guuraanimo iyo nolosha casrigaa ee magaalo. Dr: Kadare sidoo kale wuxuu ahaa raggii loo soo xulay qoraalkii farta Af-Soomaaliga 1972 dii.
Dadka aqoonta u leh Dr: Kadare waxay sheegaan in beri la waydiiyay maxaa koofaarta ama naaynaasta kadare kuugu baxday wuxuu yiri ” HAL GOT LATOO GANUUN AG YAAL AAN GAAD MARSHAA HA GAAGAXDEE”
Gaad= ul, baay ama qaydin.
Dadka aad u yaqiin waxaay sheegeen in AUN aabbihii Sh/ Axmed ahaa caalim lahaa xer uu wax baro una adeegta, beri danbaa abaar xumi dilaacday oo dad iyo duunyo saameysay, ka dib xertii ayaa kala tagtay oo kala danaystay. Jeerkaa ayuu dhashay Dr: Xuseen.
Aabbihii Sh/ Axmed oo Awr dhaana wada ayaa yimid ceel kolkaasaa lagu yiri ” Maxaa Sh/ Axmedoow, kalifay inaad dhaaniso”?!! waxaw ku jawaabay” hal nooga daraa dhashay”.
Oo uu ula jeeday Dr: Kadare oo kolkuu dhashay ay ku soo beegantay wasinkii ama jeerkii xertu kala tagtay. Sidaa ayeey ku baxdeey koofaarta KADARE. Asagoo gadaalkii noqday wiil fariida; oo noqday Dayax 14 aad ah waxtarna u yeeshay naftiisii, tii qoyskiisa iyo tii ummadda Soomaaliyeedba, ee ku hadla Afka Soomaaliga. Wuxuu ahaa laashin ku fcn curinta maansada qaybta shiribka wuxuuna beri shirib heshiisiin ah u mariyay beelo walaalaa oo dagaalamay, kalana dega gobolada Sh/ Dhexe iyo Hiiraan. Beelaha Abgaal iyo Xawaadle. Wuxuuna yiri ” MOQO KORI YA MEER TAQWOOD MURAAYADAAD KA MUUQATIIN.
NIMAN SEEY U MURQAWEYNYIHIIN AAN U MUUQANAA TIHIIN.
NIMAN HASHOODI MULUL AHAYD LAGU HOR MAALAYAAD TIHIIN.
Marna asagoo saluugayo in maamulkii kacanku ku dhaqmay nin jecleeysi iyo qabyaalad ayuu yiri”
SEDDEX WALXAATO WAA GALNAA SEDEX KALANA WAA GEFNAA
GURMADKA HORE WAA GALNAA
MIHI GUMAAD LEHNA WAA GAFNAA
GASHAANLE DHEXE WAA HELNAA SAREEYE GAASNA WAA GEFNAAA.”
Gumaad= wax dheef leh ayuu u jeedaa.
Mulul = hal geel magaceed.
Wuxuu leeyahay anagu waxaad moodaa darajada ciidamada iyo meelihii nolosha maamulkii kacaanka waxaan noqonay kuwa meeshooda ma dhaafayaal ah. Iyadoo rag kol danbe yimid saraakiil S/gaas u dalacaan. Haddii gurmad iyo daafac dal yimaadna cudud loo baahdoo muuqataan nahay.
Ugu danbeeyn Allah ha u naxariisto ahlu Janona Allah haka dhigo. Waxaanse naynaasta KADARE UGU BEDELI LAHAA Dr: Kamadare.


Qalinka: Salaad Cali Gutale. ( Salaad-Sooyaal).


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip