Xogheyaha Guud ee Jaamacadda Carabta oo Loo doortay Qoys Taariikh Ku Leh Dalka Soomaaliya..

0
Saturday March 12, 2016 - 09:32:48 in Maqaallo by
  • Visits: 1093
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogheyaha Guud ee Jaamacadda Carabta oo Loo doortay Qoys Taariikh Ku Leh Dalka Soomaaliya..

    Axmed Abuu Geyd oo 74 jir ah, horeyna u soo noqday wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa Khamiistii loo doortay xogheyaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta, Abuu Geyd xaaskiisa Leyla waxaa ay ku agoontowday oo aabaheed lagu dilay Muqdisho iyadoo 8 jir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmed Abuu Geyd oo 74 jir ah, horeyna u soo noqday wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa Khamiistii loo doortay xogheyaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta, Abuu Geyd xaaskiisa Leyla waxaa ay ku agoontowday oo aabaheed lagu dilay Muqdisho iyadoo 8 jir ah.

Axmed Abu Geyd ayaa la doortay ka dib markii la qabtay kulan aan caadi ahayn oo ay Qaahira ku yeesheen dalalka Carabta, kulankan waxaa shir guddoominayey Imaaraadka Carabta, Abuu Geyd waxaa uu bedelayaa Nabiil Al-Carabi oo isna Masaari ahaa.

image

Taariikhda Axmed Abuu Geyd oo Kooban:

Axmed Abuu Geyd waxaa uu dhashay June 12, 1942:


1964: Waxaa uu ka qalin jabiyay Kuliyadda Tijaara ama Ganacsiga ee Jaamacadda Ain Shams.
1965: Waxaa uu ka qalin jabiyay Jaamacadda, isagoo ku biiray wasaaradda arrimaha dibadda.
1974: Waxaa loo Magacaabay Xoghayaha Labaad wafdiga Masar ee Qaramada Midoobay.
1977: Xoghayaha kooxaad ee xafiiska wasiirka arrimaha dibadda.
1979: La taliyaha xagga siyaasadda ee Safaaradda Masar ee Moscow.
1982-1985: Lataliyaha wafdiga Masar ee Qaramada Midoobey.
1992: Safiirka Masar ee Talyaaniga.
1996: Kaaliyaha Wasiirka arrimaha dibadda.
1999-2004: Wakiilka joogtada ah ee Masar u fadhiyay Qaramada Midoobey.
2004-2011: Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar.
2016-:Xogheyha Guud ee Jaamacadda Carabta.

Sheekada Axmed Abuu Geyd iyo dalka Soomaaliya:
Axmed Abuu Geyd waxaa ay qaraabo yihiin diblomaasi Masaari ah oo lagu dilay gudaha Soomaaliya April 16, 1957-dii.

Abuu Geyd waxaa u qabaa Leyla Kamaal Salaaxudiin, Leylo waa gabadha Maxamed Kamaal Salaaxudiin oo ahaa wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kaas oo ku shahiiday Muqdisho kadib markii ay gaadmo ku dileen rag Soomaali ah oo daba dhilif u ahaa gumeystihii Talyaaniga.

Maxamed Kamaal Salaaxudiin waxaa ay marar badan isku dhaceen gumeystaha Talyaaniga, sababaha waxaa ugu weynaa arrimaha xuriyadda iyo ninkan oo loo arkay in uu la dagaalayo afka Talyaaniga markii uu Soomaaliya ka furay Macaahid waxbarasho oo afka carabiga iyo diinta lagu barto sidii Machadkii Alaahida isagoo dalka keenay macalimiin Masaari ah.

Marxuum Maxamed Kamaal Salaaxudiin waxaa janaaso qaran loogu sameeyay Muqdisho, waxaa lagula tukaday gudaha baarlamaanka Soomaaliya kadibna waxaa Meydkiisa loo qaaday dalka Masar.

Wafdigii Soomaaliyeed ee la socday meydka marxuumka ayaa waxaa ay uga tacsiyeeyeen madaxweynaha Masar ee xiligaas Jamaal Cabdinasir, Madaxweyne Cabdinasir ayaa ku jawaabay oraah caan noqotay oo ahayd "Waxaa Masar ku nool 27 Milyan oo la mid ah Maxamed Kamaal Salaaxudiin, diyaarna u ah in ay u shahiidaan xuriyadda Soomaaliya”.

Bishii April 1962-dii, Madaxweyne Aden Cabdulle Cusmaan ayaa martiqaaday xaaskii marxuum Maxamed Kamaal Salaaxudiin iyo carruurtiisa, waxaa martiqaadka lagu soo beegay 5 sano guuradii ka soo wareegatay markii uu geeriyooday iyadoo munaasabadda ay ka hadleen madax uu ka mid yahay ra’iisul wasaare Cabdirashid Cali Sharma’arke.

Soo dhaweynta marwada iyo carruurteeda loogu sameeyay magaalada Muqdisho, qiimeyn iyo Maamuus kadib, Marwo Umeyma Muraad waxaa Soomaaliya ka ambo baxday kadib markii la guddoonsiiyay Baasaboor iyo dhalasho sharafeed Soomaali ah, waxaa ay dib ugu laabatay dalkeeda labaad ee Masar.

Ururka Jaamacadda Carabta:
Jaamacadda Carabta waxaa la Aasaasay 22-kii Maarso 1945-tii, xarunteedu waa magaalada Qaahira ee Dalka Masar, dowladaha Xubinta ka ah waa 23 dowladood, luqadda Rasmiga waa Luqadda Carabiga.

Dowladihii joogay Shirkii ka dhacay” Alexandria” ee lagu dhisay Jaamacadda Carabta waxaa ay kala ahaayeen dalalka Masar, Ciraaq, Lebanon, Syria, Saudi Carabiya iyo dalka Jordan(Urdun).

Suudaanka Koofureed waa dalkii ugu dambeeyay ee ku biiray ururka Jaamacadda Carabta June 2011 markii ay ka go’day dalka Suudaan.

Hay’adaha Jaamacadda Carabta:
Ururka Jaamacadda Carabta waxaa ay leedahay 18 hay’adood, waxaa ka mid ah: Midowga Idaacadaha Carbeed, Ururka tarbiyadda, Thaqaafada iyo Culuumta iyo Accamiyadda Carbeed ee Culuumta iyo Tiknoolojiayadda iyo Badaha iyo Machadka Jaamacadda Carabta iyo ururo kale.

Soomaaliya waxaa ay ururka Jaamacadda Carabta ku biirtay 14 February 1974-tii, iyadoo noqotay wadamada lacagaha ku bixiya ururkaas jiritaankiisa.

Jaamacadda Carabta waxaa xoghaye ka noqday ilaa 7 xoghaye, 6 ka dib ah waxaa ay ahaayeen Masaari halka nin 7-aad uu ahaa Shaadli Qaliibi oo u dhashay Tunusia isagoo madax ka noqday ururkan intii u dhaxeysay 1979-1990-kii.

Xogheyeyaasha Guud ee Jaamacadda Carabta:
Xoghayeyaasha Jaamacadda Carabta ayaa kala ahaa:
March 22 1945-Septembet 1952: Cabdiraxmaan Casaam
September 1952- June 1972: Cabdikhaliq Xasuuna
June 1972-March 1979: Maxamud Riyadh
March 1979-1990: Shaadli Qaliibi.
1991-2001: Cismad Cabdilmajid,
2001-2011:Caamir Muusa,
2011-2016: Nabiil Al-Carabi
Axmed Abuu Geyd.

W/Q: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye,
Email: gurbiyeshow@gmail.com

xigasho:-somaliweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip